Muqdisho,(SONNNA):- Mareeyaha Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan oo ay weheliso Maareeye ku-xigeenka hay’adda Marwo Suuban Cabdi Nuur Gaas iyo Masuuliyiinta kale ee hay’adda, ayaa maanta xafiiska dhexe ku soo dhoweeyey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolajiyada Mudane Hussien Ahemd Ulusow, Mareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustaf Yasiin Sheekh iyo Masuuliyiin kale.
Soo dhaweynta kadib, Mareeyaha hay’adda Taya-dhawrka Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo Maareeywha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustaf Yasiin Sheekh ayaa heshiis ku kala saxiixday xarunta hay’adda, waxaana goob joog ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Ticknoloajiyada Mudane Xusee Axmed Culusow iyo Masuuliyiin kale.
Ujeedada heshiiskan ayaa ah in la sameeyo habraac mideysan oo lagu maareeyo soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektarooniga ah ee la keeno Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskan wuxuu abuurayaa qaab-dhismeedka iskaashi ee dhex maraya labada hay’adood ee ku aadan arrimaha soo socda:
Dhismaha halbeegyada iyo heerarka qalabka elektarooniga isgaarsiinta (standardization of electronic comunicaiton equipments) iyo ogolaanshaha nooca qalab isgaarsiineed ee Soomaaliya la keeni karo (Type Approval Certificate) iyo
La dagaallanka ganacsiga sharci darrada ah ee soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektrooniga ah.