Muqdisho (SONNA):Gudoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Maxamuud Macallin ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda Secours Islamique France SIF oo uu hogaaminayey madaxa hay’dda Gorkhamas Huseynov.
Kulanka oo is barasho iyo gogol xaar u ahaa wada shaqayn dhexmarta labada hay’adood ayey uga wada hadleen labada mas’uul sidii SoDMA looga caawin lahaa in deeganada laga saaray Khawaarijta iyo kuwa dhawaan laga xorayn doono ay bulshada halkaas ku nool gargaar loo gaarsiin la haa iyo in ay ka saacidaan qeybo kamid ah xarumaha Hay’adda maaraynta musiibooyinka sidii qalabeyn loogu sameeen lahaa.