Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ka goโan in ay gabi ahaanba ka tirtirto Khawaarijta Dalka Soomaaliya meelaha ay kaga sugan yihiin ka soo afjarto degaannada ay kaga dhumaleeysanayan gobolada dalka, iyadoo dhawaan la soo gabagabeynayo dagaalka Wejigiisa 1-aad, si loogu gudbo Wejiga 2-aad ee dagaalka, kaasi oo ku wajahan Deegannada dhaca Koonfurta Dalka Soomaaliya.
Waxaa hadda si dar-dar leh uga socda Deegaanno ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug dagaal toos ah iyo duqeymo ay fulinyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Wadamada aannu saaxiibada nahay qaarkood, iyadoo howlgalladaasi kuwii kugu dambeeyay ay ka dhaceen Deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, waxaana la soo warinayaa in Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ay howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen waxay cagta ku mariyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen kooxda khawaariijta oo ku yaalla dhulka howdka ah ee hoos yimada deegaanka budbud ee gobolka Galgaduud.
Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/Dhexe Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, Ciidamada ayaa intii howlgalku socday kalkaasi ku dilay in ka badan 20 dhagarqabe oo ka tirsanayaaย ย Kooxda Naflacaariga khawaarijta, iyaga oo ka saaray dhulka howdka ah ee hoos yimaada deegaanka budbud oo ay ku dhuumaaleysanayeen., wuxuuna intaasi raaciyay Taliyuhu inay sii wadi doonaan baacsiga kooxdaanย khawaariijta ah ee Alshabab oo ku harsanaa ย meel yar oo howdka ah.
Howlgal kale oo qorsheysnaa oo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumandooska Danab ka fuliyeen dhawaan deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Howlgalkan ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo isugu jiri horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaasi, lagana war helay xogtooda, iyadoo Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay SONNA uu sheegay in sidoo kale caqta la mariyay goobo cadowga keyd u ahaa oo ay sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen, taasoo halkasi dambas looga dhigay, waxaana halkaasi looga hortagay khatar walba oo ay ka damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan Dadka, Ciidamada iyo noolayasha kaleba.
Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay Budbud iyo Aagga Galcad ee gobolka Galgaduud lagu dilay Khawaarij badan oo horjoogayaal ku jiraan.
Deegaanka Budbud ayaa ah deegaan aad u qurux badan, waxa uu leeyahay Il-biyood aan waligeed gurin, sida ay Culumida Geologhiyada sheegeen waxaa deegaankaasi mara Webi dhulka hoostiisa ah, sidoo kale waxay caan ku tahay Fardaha, waxayna bilihii ugu dambeysay fariisin muhiim ah u aheyd Khawaarij Kaba ku tukade, kaasi oo ka soo jeeda Deegaankaasi, kadib markii uu ka soo cararay Degmada Aaden Yabaal oo markii hore saldhig u ahaa oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanku kala wareegeen.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayo Kooxda dhagarta ka soo maleegayaan Khawaarijta ka wada gobollada dalka, iyadoo dhawaan uu bilaaban doono Wejiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo Argagixisada, islamarkaana lagu soo af jari doono Wejiga 1-aad ee dagaalka, waxaana haatan la qorsheeyay in dhawaan laga soo jeesan doono ama laga soo fara xalan doono Gobolka Galguduud, iyadoo hore looga soo fara xashay Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, waxaa kaloo dhawaan gacanta lagu dhigay Gaari waday qalab laga sameeyo Gawaarida aan Xabbadu karin, kuwaasi oo ay u isticmaalaan Baabuurta lagu soo raro qaraxyada, waxaana la keenay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dhinaca kale La taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca amniga Qaranka, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic, isagoo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii hore markii ay QM cusbooneysiisay cuneqabataynta hubka ee Soomaaliya la qafiifiyay shuruudaha, wuxuuna xusay in loo oggolaaday in ay Dowladda Federaalka ah soo iibsan karto hubka qaarkiisa, taasina ay ka faaโiideysatay dowladda, si ay khawaarijta u ciririb tiro.
โHub waaweyn oo aan horey nolagu oggoleyn ayaan sanadkii lasoo dhaafay soo gadannay, hadday ahaan laheyd Helocoptarro, hubka loo yaqaan Zuugagga iyo Artelleriyada qaarkood sida Qoruga Hoobiyaha cabirkiisu yahay 120 ayaan farsamooyinka naloo oggol yahay ayaan ku keensannay dalkaโ, la Taliyaha ayaa intaa raaciyay in ay dowladdu ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada qeybaha kala duwan ee Ciidanka XDS, si ay Soomaaliya ugu filnaato ilaalinta xudduudaheeda badda iyo berrigaba.
Haddaba si loo sii dar-dargaliyo dhameystirka Wejiga 1-aad ayuu Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka General Axmed Aadan u gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud , halkaasi oo Fariinsin u ah Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyee, isagoo kormeeray fariisimaha ciidanka, wuxuuna halkaas kula kulmay Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka xoogga, islamarkaana waxaa uu ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.
Taliyaha ayaa Ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay khawaarijta, ย waxaana u sheegay in ay u diyaar garooban dhameystirka Wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka khawaarijta ah ee Alshabaab.