Muqdisho (SONNA): Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda FS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii xilkan kaga horreeyey mudane Dr Cilmi Maxamuud Nuur, iyadoo uu goob joog munaasabadaasi ka ahaa Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Xamsa Cabdi Barre.
Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Dr Cilmi ayaa xusay in mudadii uu xafiiska joogay in wasaaraddu qaaday tallaabooyin badan oo dhaqaalaha dalka lagu horumarinayo, laguna xoojinayo wadashaqaynta ay Soomaaliya la leedahay hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah.
“Intii aan xafiiska joogay wax badan ayaa noo qabsoomay oo aanu gaarnay haddii ay tahay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, wali waxa aanu si wanaagsan u haynaa wadadii deyn cafiska taasi oo guulo badan oo wax ku ool ah laga gaaray, ayna dhawdahay dhamaystirkeeda” ayuu yiri Dr Cilmi.
Wasiirka cusub ee wasaaradda mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dhinaciisa xusay in ay wasaaradda ay horyaalaan hawlo baaxad leh oo dalka muhiim u ah, uuna xoogga saari doono sidii looga mira dhalin lahaa.
“Waan garwaaqsanahay baaxadda ay leedahay masuuliyadda la ii igmaday iyo kaalinta ay wasaaraddu kaga jirto dib u habaynta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Mudane Biixi.
Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Xamse Cabdi Barre ayaa wasiirka cusub iyo hawlwadeenada kale ee wasaaradda kula dardaarmay inay dalka ugu adeegaan si hufan oo isla xisaabtan leh.