Muqdiaho(SONNA):-Degamad Afmadow ee Gobolka jubbada Hoose ayaa goordhow la geeyay lix(6) Maxaabiis katirsan khawaarijta iyo Gaari Qarax lagu diyaariyay sida warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Cali Maxamuud Bagmadow.
Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose halkaa oo jab xooggan lagu gaarsiiya kooxda khawaarijta Al-Shabaab.
Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah ayaa waxaa uu isugu jiraa duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen ciidammo sida gaarka ah u tababaran ee Danab, waxaana lagu qaaday goob ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta