Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayey Agaasimaha cusub ee hey’adda Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya Niyazi kalaycı, waxaana kulankan qeyb ka ahaa Agaasimihii hore Hassan celalettin iyo mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maareynta.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada hay’addood, tababarida shaqalaha ka howgala xarumaha gurmadka deg-degga ah iyo dadka ku nool meelaha dhibaatada ka dhici karto iyo helista qalabka gurmadka deg-degg ah iyo helista xarumo dhiiga lagu keediyo.
Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sidoo kale hey’adda SoDMA ka caawisa in deeganada khawaarjta laga saaray la gaarsiiyo gargaar, iyo in mashaariicyo dadka iyo dalka muhiim u ah laga fuliyo deegaanadaas iyo guud ahaan dalkam
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim ayaa soo dhaweeyey Agaasimaha cusub, isaga oo u rajeeyey in uu dardargalin doono howlaha bin’aadamnimo ee dalka ay ka wadaan, dhanka kale Guddoomiye Maxamuud ayaa Agaasimihii hore Hassan celalettin uga mahadceliyey wada shaqeyntii wanaagsaneed ee dhex martay inta uu xilka hayey, isaga oo u rajeeyey meelo kale oo wanaagsan.