Addis Ababa-(SONNA)-Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Warfaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda aan dawliga ahayn ee Geneva Call oo kala ah Mr Cumar Axmed iyo Mr Alexandre Munafo, waxayna hay’addu ka shaqaysaa arrimaha Beni aadantinimada, dhex-dhexaadinta, dib u heshiisiinta iyo badbaadinta dadka rayidka ah, waxaana Safiir Wafaa uu dhankiisa la wadaagay masuulintan sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda kooxaha argagixisada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliya.
Madaxda hay’adda Geneva Call ayaa dhankooda ballan qaaday inay Dawladda Soomaaliya kala shaqaynayaan horumarinta arrimaha bini’aadan tinimada, dhex-dhexaadinta, dib u heshiisiinta iyo badbaadinta dadka rayidka ah.