Muqdisho,(SONNA):-Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubbaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay 120 KM oo ah inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo.
Howlgalkan oo uu hogaaminayey Taliyaha Hayโadda Nabad sugida iyo sirdoonka Jubaland Maxamed Axmed Sabriye ayaa waxaa qayb ka ahaa Ciidamada daraawishata Jubaland iyo Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska danab, mudadii uu socday howlgalkan waxaa lagu bur buriyay saldhigyo waawayn oo ay lahaayen kooxaha Khawaarijta ah, sidoo kale waxaa la qarxiyay dhowr miino oo ay doonayeen in ay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee wadooyinka isticmaala.
Deegaanada ay ciidamadu ku baacsadeen Kooxaha Khawaarijta ah ee fariisimaha u aha waxa kamid ah Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag libaax iyo deegaano kale dhamaantood waxa ay fariisimo u ahaa khawaarijta.