Muqdisho (SONNA):-Taliyaha hay’adda Sirdoonka Kenya Mudane Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa goor-dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (HSNQ) Mudane Mahad Salaad ayaa dhiggiisa dalka Kenya ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Socdaalka taliye Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ah sidii labada Sirdoon isaga kaashan lahaayeen Amniga labada dal, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo is dhaafsiga xogaha la xiriira kooxaha argagixisada ah.
Taliyaha hay’adda Sirdoonka Kenya Mudane Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa inta uu jooga magaalada Muqdisho la kulmi doono madaxda Qaranka Soomaaliyeed.