Muqdisho,(SONNA):-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay hirgalisay xafiiska xakameynta iyo ciribtiro cudurka Cagaarshowga,xaruuntan laga hirgaliaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay wax ka qaban doonta la tacaalida,yareynta faafitaankiisa iyo ka wacayi-galinta bulshada cudurka Cagaarshowga.
”Wasaaradda waxaa ka go’aan wax ka qabashada cudurka Cagaarshowga si bulshada looga badbaadsho, iyadoo ay wasaaraddu waddo dadaallo lagu doonayo in ay ku diyaariso Istaraatijiyada qaran oo lagula tacaalayo xanuunka si bulshada looga wacayi-galiyo halistiisa”.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan Hay’adaha Dowladda federaalka,kuwa gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka iyo saaxiibada Caalamiga ah sidii looga ciribtiri lahaa dalka xanuunka Cagaarshowga oo ka mid ah cudurada dilaaga ah ee dalka ka jira.
Halkaan Hoose ka daawo daawo Muqaalka wasiirka oo ka hadlaya qorshaha ay wasaaradda ka leedahay la tacaalida cudurka Cagaarshowga.