Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    In ka badan toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug
    July 24, 2025
    Wasiirka Caddaaladda XFS iyo Majmaca Culimada oo ka wada hadlay la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee khawaarijta
    July 24, 2025
    Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS oo furay b๐š๐ง๐๐ก๐ขgga w๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š h๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š m๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐da s๐š๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’-๐ค๐š
    July 24, 2025
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 5, 2023
7 Min Read
Share

Burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka Soomaaliya sanadkii 1991-kii kadib ayaa waxaa Dalka soo gaaray Ciidamo huwan ah oo la magac baxay Ciidanka Howsha ku midoobay (TASK FORCE), sanadkii 1992kii, kaasi oo uu hoggaaminayay Wadanka Maraykanka, ayna ka mid ahaayeen Wadamada Faransiiska, Talyaamiga, Bijam, Maleesiya, Turkiye iyo kuwa kala socday Afrika iyo Carabta, kuwaasi oo ujeedadoodu aheyd in ay kaalmeeyaan Dadka Soomaaliyeed oo berigaasi ay ka jireen dagaalo sokeeye oo sii daba dheeraaday, kaasi oo sababtay in ay dilaacdo Macluul baโ€™an oo ay Dunidu la yaabtay, runtiina waxay u fidiyeen gacan biniโ€™aadannimo, waana ku guuleysteen samata bixinta Dadkii baahnaa, muddo kadibna waa ay ka baxeen sabab kasta ha ahaatee sanadkii 1995-kii.

Markaasi waxaa sababay soo galitaanka Ciidamada shisheeye Macluushii iyo dagaallo sokeeye, balse soo galitaanka Ciidamada waxaa sabab u ah kadib markii Kooxaha Argagaxisu ku fideen meelo ka mid Gobolada Dalka, islamarkaana dhibaatooyin fara badan u geystay Shacabka Soomaaliyeed, Duniduna ay ka baqdin qabtay inay ku sii fiddo shartooda Wadamada kale ee Dariska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya iyo meelo kale.

Mar haddi ay muddo ku sugnaayeen Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee la magac baxay ATMIS markii horena loo yiqiin AMISOM, waxaa loo baahday in ay bedelaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayay Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay dajisay Isteraajiyadda ka bixitaanka Ciidamadaasi sanadka markuu gaaro 2024-ka, inta ka horreysana si tartiib tartiib loo dhimo tiradooda, balse ka hor bixitaankooda loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cuneqabateynta Hubka ee ay Qaramada Middobay saartay sanadkii 1991-kii.

Haddaba si loo qaado cuneqabateyntaasi ayay Dowladdu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay si loo qaadi lahaa gabi ahaanba Cuneqabateyntaasi, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka, waxaa kaloo uu ka qeybgalay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha waxa uu khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Al-Shabaab, isagoo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa Wejigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo uu la kulmay Madaxda Heyโ€™adaha Caalamiga ah, kuwaas oo ay iska wareysteen taageero caalami ah ee dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxda howlgalka ATMIS, El-Amine Souef ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka inay ka qaadaan xayiraada Hubka culus ee saaran Somalia laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1991-dii markaasoo uu burburay Nidaamkii Dowladeed iyo kala dambeyntiiโ€ฆ

Sarkaalkaan ATMIS Hogaamiya ayaa sheegay ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Somalia ay ka caawinayso Ciidamada Amniga ay awood u yeeshaan inay la wareegaan lahaanshaha Amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada isla markaasna degaanada laga xoreeyo dib loogu howlgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii Ergo ka socday Golaha Amaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay soo gebagebeeyeen safar shaqo oo ay ku soo gaareen Caasimada Mogadishu si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee ka hor qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan Juun iyo September 2023-ka.

Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika wuxuu heystaa ilaa 31ka Diseembar 2024-ka, ย si uu uga baxaan guud ahaan Dalka, Dowladda Federaalka iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka goโ€™an tahay fududeynta in si habsami leh ay Masโ€™uuliyadaha Amniga loogu wareejiyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Ka dib 18 sano iyo saddex hawlgal nabadeed oo caalami ah, Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa inay si buuxda u maamusho ammaankeeda. Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isku diyaarinaya in 2,000 oo askari laga saaro dalka marka la gaaroo 30-ka June 2023-ka.

Haddaba si loo gaaro hadafkaasi ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayay howlgalka ATMIS kala wareegay Lix saldhigga oo ku kala yaalla Gobolada Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose iyo Gedo, saldhigyadaasi oo kala ah Cadale, Xaaji Cali iyo Mirtaqwo oo ka tirsan Shabeelada Dhexe oo ay markii hore gacanta ku hayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan Ciidanka ATMIS, Ciidanka Kenyana waxay iyaguna wareejiyeen Deegaanka Gerileey ee degmada Ceelwaaq gobolka Gedo, halka Ciidama Ugaandha ay wareejiyeen Deegaannada Arbacoow iyo Jasiira oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale horay ula wareegay saldhigyadii ATMIS ee degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho, Ciidama Ugaandha waxay kaloo ka guureen saldhig 3-aad oo ka tirsan Shabeelada Hoose kuna yaalla Marka Ayuub, saldhiggaasi oo la xiray, iyadoo Ciidamaada ka tirsan ATMIS ee wareejiyay Saldhyadaasi waxay tiradoodu dhan tahay 200 Askari, waxaa kaloo la filaa in bisha Septemper ay baxaan 300 arkari oo ka tirsan Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS.

Xil-wareejinta mas’uuliyadda amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa qorshaha wajiga koowaad yahay in hawlgalka ATMIS uu dalka ka saaro (2000) oo Askari dhammaadka bishan Juun.

Korneyl Sanay Cabdulle oo ka tirsan Saraakiisha ku sugan Aagga Deegaannada Shabeelada Dhexe oo ka hadlaayay munaasabad howl-kala wareejin oo ka dhacday Degmada Cadale ayaa yiri:-” Waan ku filanahay in si buuxda aan dalka ugala wareegno Ciidamada ATIMIS, dhawaanna waan ciribtireyna Khawaarij”, isagoo la dardaarmayay Ciidamada Qaranka ee la wareegay Saldhiggii Cadale oo ay kala wareegeen Ciidanka Burundi oo in muddo ah ku sugnaa Deegaanadaasi ayaa sii raaciyay โ€œ Saldhig in lala wareego muhiim ma ah ee waxaa la iska rabaa in ammaanka guud la lala wareegoโ€.

 

ย 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

In ka badan toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Muqdisho-(SONNA)-Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka…

July 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad oo daahfuray shirweynaha Xaquuqul Insaanka

Muqdisho(SONNA)-Ra"iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirweynaha Qaranka…

GudahaWararka
April 14, 2025

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulanย  la qaatay Danjiraha Boqortooyada…

GudahaWararka
March 31, 2021

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo Qaahira uga qaybgalay shir caalami ah

Qaahira (SONNA): Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay shirkii 8-aad ee Guddoomiyeyaasha…

GudahaWararka
January 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo daddaal…

GudahaWararka
February 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023