Muqdisho (SONNA): Wasiirka wsaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo dib u eegista hindise sharciyeedka difaaca Qaranka Soomaaliyeed.
Shirkan wada-tashiga ah oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dib u eegis loogu samayn lahaa qoddobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hawlaha makamadda ciidamada qalabka sida, xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ciidamada, daba-galka eedaynsaneyaasha fal-dembiyeedyada, ilaalinta xubnaha hawl-galka ku-jira iyo qodobbo kale.
Shirka wadatashiga ah waxaa ka qayb galay xubno kala metelayey wasaraadda Gaashaandhiga, taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ururrada bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.