Shirweynihii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho intee u dhaxeysay 23-26-kii Janaayo ee sanadkan ayaa waxaa laga soo saaray go’aanno badan oo khuseeya Kooxaha Argagixisada ah , waxaana ka mid ahaa Go’aanadaasi:-
1- In Kooxaha Khawaarijta ee ay ugu horreyaan al-shabaab iyo Daacish aysan laheyn wax sharciyad Diineed, iyadoo la burinayo fasiraadaha gurracan ee aan salka ku laheyn Diinteenna Islaamka.
2- Sharci siinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabkeeda dagaalka Jihaadka ee ay kula jiraan khawaarijta Al-shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya, kuwaasi oo cadow ku ah Diinta, Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.
3- Caddeynta in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka Diinta Islaamka, iyo kuwa kale.
“Shirweynahaasi waxaa uu u caddeynayaa Ummdda Soomaaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu Ajar uga helayo Alle Subxaana watacalaa agtiisa maadaama uu ka qeyb qaatay badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri War-murtiyeedkii ka soo baxay Culumada Soomaaliyeed.
Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka kala yimid dunida daafaheeda ayaa cod dheer ku sheegay in Kooxahaasi ay yihiin Argagixiso Diinna aan ku shuqul ku laheyn, waxayna banneeyeen Dhiiggooda, Ciddii Disha iyo Cidda ay dilaanba ay yihiin Ahlu Janno, iyadoo Culumo kalena ayba ku tilmaameen inay Khawaarijtu yihiin Eeyaha Naarta.
Khawaarijta ayaa shalay qaraxyo ku weerartay Masaajidka Deegaanka Daaru-nimca oo hoos takta Degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo ahaa halka masaajid ee dadka deegaanka oo dhan ay ku cibaadaysan jireen, islamarkaana ay Kutubta cilmiga Diiniga ah ka raacdaan Dadka Deegaanka.Tani ayaa waxay tusaal ahaan u muuqda ee cadeeynaya in arxan laaweyaashu duulaan ku yihiin Diinteena Suuban ee Islaamka.
Khawaarijta Al-Shabaab waxay horay u Qarxiyeen Masaajid weyn oo ku yaalla degmada Buula-Burde ee Gobalka Hiiraan, Masaajidka Qaayib, iyadoo laga difaacay Masaajidka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halka kuwa kale oo ku yaala deegaanada ay joogaana ay xireen, si aysan cilmi uga qaadan dadka, Magaalooyinka kalena waxa ay Masaajidda ka dhigteen kuwa ay ku gaadaan Dadka, iyagoo horay dad Masaajid ku jira oo cibaaeysanaya ay ku dileen.
Waxaase la yaab leh iyadoo lagu guda jiro maal-maha Ciida Muslimiinta ayay Dowladda SWEDEN lagu gubay Qu’aanka Kariimka. Sidoo kale iyadoo lagu guda jiro maal-maha ciida muslimiinta ayay khawaarijta gubeen Masjidka Daaru-Nicma, haddaba waa su’aale waa maxay farqiga u dhaxeeya Gaalada Diinta Islaamka cadowga ku ah iyo kooxdaan Khawaarijta ah?, su’aashaan jawaabteeda waxaad ka dhex heli kartaa warbixintaan.
Khawaarijtu waxay ka shar badan yihiin Gaalada waxaana caddeyn kaaga filan Masaajidkani waa Masaajidkii deegaanka Daaru nimca, kaasi oo ay khawaarijtu qarxiyeen, waxaana uu falkani cadeyn u yahay in kooxdan Khawaarijtu ay dulaan ku tahay Diinteena Suuban ee Islaamka, Maadama ay Qaraxyo ku Burburiyeen Masaajidkii ku yaalay degaanka Darunimco ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
“Dumi diinta kuna dumi magaca diinta Micnaha waa adoo Muslim sheeganaya baabi’i oo la dagaal Diinta islaamka iyo Ummadda aamminsan, haddaan Muslim nahay waa dhisnaa Masaajide”, sidaasi waxaa yiri muwaadin Soomaaliyeed oo ka qiirooday falkaasi xun oo ay dhaqan ka dhigteen khawaarijra casriga.
Sheekh Maxamed sheekh Aadan oo isna ka hadlay farqiga u dhaxeeya Gaalada iyo Khawaarijta ayaa yiri:-” Khawaarijta iyo gaalada Kitaabka alle gubeysaa waxay ka siman yihiin duullaanka ka dhanka ah diinta Islaamka”.
Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Dowlad-goboleedka Galmudug Cismaan Ahmed oo isna ka hadlaayay Kooxdaan Arxanka darran ee Argagisada ah ee Khawaarijta Al-shabaab ayaa sii raaciyay “Waxaan u mahadcelin cidkasta oo maalin la dirirtay khawaarijta dhibaateeyey dadkeena, Deegaankeenna iyo Duunyadeenna”.
Isku soo wada xooriyoo Kooxdaan Khawaarijta ah waxaa la og yahay inay ka shar iyo khatar badan yihiin Gaalada cadowga ku ah Diinteenna Muqadas ah ee Islaamka, sidaasi awgeed waa in loo wada istaago Shacab iyo Dowladba sidii looga ciribtiri lahaa dhulkeenna ay ku hayaan fasahaad Diineed iyo mid Dadeedba.