Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Danjire Kullane oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Kullane oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika
GudahaWararka

Danjire Kullane oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 30, 2023
4 Min Read
Share

Changsha,(SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee Dalka shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay kulan looga hadlayay iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Aqoon kororsigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, iyo maamulka Gobolka Hunan, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Geeska Afrika ee nabadda iyo horumarka.

Danjire Kullane, ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha oo martigelisay aqoon isweydaarsigan, isla markaana u fidisay gogol ay ku wadahadli karaan, ayaga oo ay iska kaashanayaan Shiinaha iyo dalalaka xubnaha ka Geeska Afrika. Waxa uu Danjiraha ammaanay sida ay Shiinaha uga go’an tahay nabadda, horumarka, iyo barwaaqa doonka gobolka, sida ay muujiyeen hindisayaal ay ka mid yihiin “Initiative of Development Nabadda Geeska Afrika” oo uu soo jeediyay mudane Wang Yi wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka shiinaha.

Danjire Kullane ayaa iftiimiyay guulaha cajiibka ah ee ergayga gaarka ah ee Xue Bing uu ka gaaray kobcinta iskaashiga ee xiriirka Shiinaha uu la leeyahay Dalalka Geeska Afrika. Wuxuu ammaanay dadaalka diblomaasiyadeed ee ergeyga gaarka ah Mudane Xue Bing, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo horumarka geeska Afrika.

Danjire Kullane oo soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya ayaa tilmaamay horumarka ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay hormuudka ka yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Barre. Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay horumariso arrimaha muhiimka ah ee qaranka iyada oo loo marayo wada hadal siyaasadeed, oo ay ku jiraan heshiisyada federaalaynta maaliyadda iyo isbeddelka qaabdhismeedka amniga qaranka.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la horumariyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika. Waxa uu ku baaqay in aad loo baahiyo, ayada oo laga sii balaatiyo in ka badan intii caadadad ahayd iyo sidoo kale in la sahamiyo fursado dheeraad ah ee xaga beeraha, wax soo saarka, farsamada, iyo dalxiiska. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta raasammaalka dadka, kobcinta awoodda, iyo isbeddelka dhijitaalka ah si loo dhaqaajiyo horumar waara iyo xoojinta xidhiidhka Shiinaha iyo Geeska Afrika.

Aqoon-is-weydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika wuxuu bixiyay fursad qaali ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo sahaminta hab cusub ee iskaashi.

Ugu dambeyn, Aqoon-is-weydaarsiga oo la qabtay 30-kii Juun 2023, ayaa waxaa isugu yimid Madax iyo wakiillo ka kala socday dalalka Geeska Afrika ah, sida Itoobiya, Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Uganda, Suudaan, iyo Koonfurta Suudaan. Madaxda iyo Martida sharafta lahayd waxaa ka mid ahaa H.E. Xue Bing, Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee arrimaha Geeska Afrika, H.E. Mudane Girma Amente, Wasiirka Beeraha ee Itoobiya, iyo H.E. Mr. Frank K. Tumwebaze, Wasiirka Beeraha, Warshadaha Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Uganda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga ayaa ku dilay horjoogayaal Al-Shabaab ah deegaanka Galka Xarareey ee Shabeelaha Dhexe

SONNA (MUQDISHO)- Ciidanka Xoogga ayaa ku dilay horjoogayaal Al-Shabaab ah deegaanka Galka Xarareey ee Shabeelaha Dhexe. Horjoogayaasha la dilay ayaa…

GudahaWararka
May 29, 2021

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday daadad ka ku dhuftay dalkaas

Ankara-(SONNA)-Safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Turkiya mudane Jaamac Caydiid Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday daadadka ku dhuftay goballada…

GudahaWararkaWargayska
August 12, 2021

Cadale:Xarummo loogu talagalay adeegyada bulshada oo laga hirgaliyay Ceel Xaashi

Masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle, Goddoomiyaha Degmada Cadale, Muuse Maxamed Fareey ,saraakiil , Ganacsato iyo hoggaamiyaasha bulshada ayaa ka…

Gudaha
February 9, 2024

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo sheegay inay soo celinayaan nidaamka kala damnbaynta ee gobolka Tigreega

Addis ababa (SONNA)- Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka hadlay talaabada oo dowladiisu ka wado ismaamulka Tigreega ee waqooyiga…

Wararka
November 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023