Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Moallim Fiqi oo ay wehlinayaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta oo ah maalinkii labaad ee Ciidka shacabka reer Muqdisho kula ciidday Daarusalaam.
Socdaalkan oo sidoo kale lagu soo kormeerayay xaaladda amniga caasimadda ayaa waxaa qeyb ka ahaa qaar ka tirsan guddoomiye kuxigeennada gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo hayโadaha kala duwan ee amniga oo ay ku jiraan ciidanka nabadda ka dhigay Muqdisho ee police militaire.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Moallim Fiqi iyo wufuudda la socotay ayaa shacabka Daarusalaam ka waraystay isbeddelada Amni iyo kor u kaca dadweynaha halkaasi u taga ciidda iyo dalxiiska.
Si dadweynaha Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan, xorna uga noqdaan cabsigelinta Khawaarijta, Booliis Militaare iyo ciidamada kale ee dalka ayaa bilihii ugu dambeeyay si weyn u sugay amniga caasimadda iyaga oo baro badan ka sameystay inta u dhaxeysa Jazeera ilaa Balcad.