Muqdisho(SONNA):-Xujeeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Barakaysan ee Makkah Almunawaramaha oo maanta ay u tahay maalinkii siddeedaada,ayaa waxaa soconayo qaban qaabada in Xujeeyda ay u guuraan degaanka Mina,si acmaasha Xajka ay halkaa uga sii wataan.
Cali Nuur Maxamed oo kamid ah mas’uuliyiinta guddiga ka shaqeynayo arrimaha xajka ee xujeeyda Soomaalida oo la ahadalay warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in Xujeeyda ay maanta u ambbabixi doonan Mina,halkaa oo ay uga sii gudbi doonaan Banka carafo,waxaa uu intaa ku daray in xujeeyda ay u dhameystireen dhammaan adegyadii ay u baahnayeen dhawaan ay dhaqaaqi doonaan.
Sidoo kale qaar kamid ah xujeeyda Soomaaliyeed oo dhankooda la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dowladda uga mahadceliyay da’daalka ay ku bixisay sidii xujeeyda ay u heli lahayeen waxyaabaha ay ubaahanyihin inta ay acmaasha xajka ku jiraan,sidoo kale ummadda Soomaalieed ayay ugu baaqeen in ay is cafiyaan loona duceeyo dadka iyo dalka intaba,
Xujeeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa tiradooda gaareysaa 11650-xaaji oo ka kala yimid waddamo kala duwan,waxaana xusid mudan in dowladda soomaaliya ay Sanadkaan wax badan ka badashay Qiimihii lagu tagi jiray xajka loona saaray gudi isku dhaf ah oo arintaa ka shaqeeya,si daah-furnaan ah ay u tar-tameen shirkadaha ka sheqeeyo duulimaadyada xajka