Muqdisho,(SONNA):-Anita Kiki Gbeho, Sii-haya ahna Kuxigeenka ergayga UN-ka ee Soomaaliya oo ka hadashay kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo soo Kabashada hore ayaa ka sheegtay in ay garab tagaan yihiin shirkaan UN-ka u diyaar ugu yihiin in ay u muujiyaan taageero weyn.
“Waxaa soo dhoweyneynaa hannaankan Xasillinta, waa hannaan leh dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dhinacyada amniga, dowlad dhiska, Iskuduabriska howlaha meelaha la xoreeyay iyo taageerada. Ka UN ahaan waxaan diyaar u nahay in aan arrimahaasi kala shaqeyno hey’adaha ku lug leh” Ayey intaa raacisay”.
Kiki waxaa kale ay soo qaadatay arrimaha muhiim ah ee Xasillinta sida dib u soo kabashada, howlaha ay tahay in la qabto xilliga Xasillinta sida waxbarashada, kalooni dhisidda, dhismaha hey;adaha, adeeg bixinta iyo dhismaha hey;adaha dowlaha hoose, waxaa ayna ballanqaaday in UNka ay taageeri doonaan.