Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigayay cilmi baaris laga sameeyay sida xooggan ee uu bulshada ugu faafayo isticmaalka Maandooriyaha iyo qatarta uu ku hayo mustaqbalka dhallinyarada.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan DFS, madaxda Garsoorka dalka iyo aqoonyahano Soomaaliyeed
Heyโadda horurimarinta Nabadda iyo Dimuqraadiyadda ee Hiil ayaa soo bandhigtay cilmi Baaris ay ka sameeyeen faafitaanka dhibaatada Maandooriyaha, gaar ahaan xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo goobaha ay bulshada isugu yimaaddaan.