Washington (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoSoomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya fadhiga golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona kulanka golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, waxa uuna madaxweynuhu xoogga saarayaa sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadanaya masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda hayโadaha caalamiga ah, waxa uuna xoogga saaraya sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.