Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Danjire Kullane oo Khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee QM
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Kullane oo Khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee QM
GudahaWararka

Danjire Kullane oo Khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee QM

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 14, 2023
2 Min Read
Share

Beijing, (SONNA):- Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Mudane Cawaale Cali Kullane, iyo Danjireyaasha Dalalka Belgium iyo Pakistan ayaa ah sadexda danjire ee lagu casuumay in ay khudbad ka jeediyaan shirka waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay

Shirka oo ku saabsan habka loo hirgelin lahaa-hannaanka iskaashiga horumarinta-waarta ee Qaramada Midoobay (UNSDCF) ee Dalka Shiinaha. Munaasabadda ayaa lagu qabtey Xarunta UN-ka Qaramada Midoobay ee magaalo madaxda dalka shiinaha Beijing.

Danjire Kullane, ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray muhiimadda ay UNSDCF u leedahay hirgelinta hannaanka iskaashiga horumarinta-waarta ee Qaramada Midoobay ee Dalka, wuxuuna Danjiruhu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sidii loogu guuleysan lahaa 17-ka Hiigsi ee Ajendaha Horumarinta-waarta (SDGs)  ee2030.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa ammaanay sida ay dalka Shiinaha u curisay nidaam u miradhaliyey horumar wanaagsan . Waxa uu carabka ku dhuftay in ay ku dayasho mudan yihiin mrka la eego sida ay Shiinuhu ugu heelan yihiin in ay khibradaha iyo agabka la wadaagaan wadamada kale ee soo koraya, iyada oo loo marayo iskaashiga Shiinaha ee dalalka soo kooraayo, taas oo qayb ka qaadanaysa in la gaaro horumarka caalamiga ah ee Ajendaha Horumarinta-waarta 2030 (SDGs).

Intii lagu guda jiray, war-bixintii Dowladaha Xubnaha ka ah, Danjire Kullane waxa uu uga warbixiyey ka soo qeyb galayaasha horumarka Soomaaliya. Wuxuu la wadaagay guulihii laga gaaray Amniga iyo xiriirka dibadda iyo horumarinta dhammaan hayaddaha dawliga ee dalka.

Ugu dambeyntii, Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si siman loo helo fursado dhaqaale iyo hab-nololeed ilaalinayo xaqa ay leeyihiin haweenka iyo dhalinyarada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo gaaray magaaladda Dhuusamareeb “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Dawlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray Madaxda Dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, halkaasi oo…

Wararka
July 9, 2020

Wasiirka Qorsheynta JFS oo Kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya  

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa barnaamijyada hay’adda UNFPA Somalia Mr Andres…

Wararka
November 17, 2020

Taliska ciidanka Booliska oo soo bandhigay rag loo haysto in falal burcadnimo ay ka geysanayeen Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Taliska booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgallo burcad sifeyn ah oo ay ciidanka booliska ka sameeyeen qaar…

GudahaWararka
June 30, 2021

Taliska Booliska oo dhisaya dhaqanka diineed ee Askarta

Muqdisho (SONNA): Taliye ku xiggeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sakiya Xuseen iyo hoggaanka Anshaxa iyo wacyi-gelinta Booliska ayaa maanta Kutubo…

GudahaWararka
August 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023