Kismaayo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabbilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen Saraakiisha howlgalka AFRICOM, ATMIS, Sarakiisha hayโadaha amniga Jubaland iyo Ciidamada xoogga dalka oo uu Guddoomiyay Madaxweyne ,Axmed Maxamed Islaam ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee amniga iyo billowga wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha Argagixisada ah.