Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 13, 2023
6 Min Read
Share

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhacady dhacdo xanuun badan, iyadoo inta la xaqiijiyay 27 qof ay ku dhinteen qarax weyn, kaasi oo ka dhacay deegaanka Muraale, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, Dadka ku dhintay qaraxaasi oo u badan kuwo isu qoys ahaa ayaa isugu jira carruur iyo dad waaweyn, Carruurta ay dhalleen mid ka mida qoysaska deegaanka ayaa la sheegay in Aaladda qaraxda ay ka soo heleen dhulka miyiga, markii dambena ay dhanka gurigooda u soo qaadeen.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur (Alcadaala), Gudoomiyaha deegaanka Janaale oo Muraale ay hoostagto ayaa tirada dadka qaraxaasi ku dhintay ku sheegay 27 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacantay. 15 ka mid ah dadka dhaawacmay ayuu sheegay in la kala geeyay Degmada Qoryooley iyo deegaanka Shalambood, tiro kale oo dhaawacyo fudud qabana ay ku harayn deegaankaasi.

Inta badan haraadiga walxaha qarxa ayaa dhibaato ku haya dadka ku dhaqan goobaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, waxaana Dhacdadan ka dhacday Muraale ayaa noqoneyso, tii ugu dhimashada badneyd abid ee dalka laga soo wariyo, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Militariga aheyd ee Soomaaliya.

“Dhacdaaan waxay ka dhacday meel u dhaxeysa Degmada Qoryooleey iyo Degaanka Jannaale waxaa la yiraa Tuuladaasi Muraale, waxayna aheyd maalin Jimca ah subaxii abaarihii 9:30, Carrurtuna waa ay cayaarayeen, marka sidaasi ayuu ku dhacay Qaraxaasi, waana Deegaan ay ka taliyaan Kooxda Al-shabaab, waxaana la sheegay in meesha ay waxyaabaha qarxa ku sameystaan”, sidaa waxaa yiri Odey kale oo ka  soo jeeda Deegaanka.

Mar uu ka hadlaayay Xaaladda Waalidiintii dhashay Carruurtaasi ayuu yiri :-“ Hooyo kaligeed waxaa ugu jirtay 4 Carruur ah oo ay dhashay, marka lama soo koobi karo murugada meesha ka jirta” , waxayna uga digeen inay iska ilaaliyaan shacabka Soomaaliyeed khatarta ay leeyihiin haraaga Hubka aan qarxin, islamarkaana lagu baarujiyo waxyeeladooda.

Dhinaca kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ay wali saameyn xun ku hayaan badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, “Haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ka socday sannado badan ayaa wali saameyn xun ku haya badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, waxayna carqaladaynayaan dadaallada horumarineed,” ayuu yiri Ergeyga War-saxaafadeedka ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay  ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay kala shaqeeyaan maamulada Soomaaliya iyo la-hawlgalayaashooda miino saarista, taasoo uu sheegay inay sahlayso dhismaha nabadda, bini’aadantinimada, iyo dadaallada horumarinta dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaaliya, sannadkii 2020, 501 qof oo rayid ah ayaa u geeriyooday waxyeelo ka oo gaartay walxaha qarxa iyo dagaalada. Sannadkii 2021-kii, tirada dhaawacyada ayaa korortay oo gaartay 669 dhaawac ah, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse haddi lagu diro dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday Muraale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose waxay ka dhigeysaa 528 ruux ayaa ku dhintay.

Magaalooyinka Dhabad iyo Galdogob oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa kamid ah magaalooyinka ay sida xun u sameeyeen haraadiga Qaraxyada, waxaana dadka halkaas ku nool ay cabsi darteed uga qaxeen guryahooda iyo beerahoodii, waxayna Hay’adda miino barista Qaramada Midoobay UNMAS, ay sheegtay inay Soomaaliya ka caawisay sidii loo dhimi lahaa khatarta ka imanaysa walxaha qarxa, sida, gantaalada, rasaasta iyo bambooyinka gacanta.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeyso khubarada ku taqasusay wax ka qabashada miino saarista  ee heer qaran iyo heer caalami, si ay uga jawaabaan khataraha soo wajaha bulshooyinka, iyadoo kor loo qaadayo awoodda ay Soomaalidu u leedahay hoggaaminta iyo isku dubaridka jawaabaha wax ka qabashada miinada.

Warbixin kale ayaa sheegaysa in Khubarada ku takhasustay Miinooyinka ayaa ka hadashay Khatarta iyo halista ay leedahay Hubka aan Qarxin, waxayna xustay in ay jira khataro kala duwan oo ay keenayaan walxaha qarxa (UXO), laga bilaabo qaraxyo shil ah iyo dhaawac halis ah ilaa saameyno ballaaran deegaannno oo si ba’an u gaaraan, haddi ay tahay waxyaabaha laga dhaxlay dagaalada aduunka ka dhaca ama ku celcelinta bambooyinka tababarka milatariga, qaraxyada aan qarxin waa in had iyo jeer loo tixgeliyaa khatar oo ay la tacaalaan khubarada la tacaasha arrimaha Miinooyinka iyo hubka aan qarxin ee looga tago Deegaannada.

Haddaba waxaa talo ahaan loo soo jeedinayaa arrimahaan “-Aqoonso – marka laga yaabo inaad la kulanto rasaas iyo in rasaastu ay khatar tahay.

– Dib-u-noqosho – ha u dhawaan, ha taaban, ha dhaqdhaqaaaqin, ha qasin, laakiin si taxadar leh uga tag aagga, adigoo ku noqonaya meeshii aad ka timid.

– Ka warbixin – gaarsii waxii aad aragtay masuulka Deegaanka aad joogto ama wac Taleefanka wicitaanka gaaban ee 991 oo kala tali booliiska waxaad aragtay iyo meesha aad ku aragtay”, sidaasi waxaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la wadaagay  Sarkaal ka tirsan Ciidanka ka hortagga waxyaabaha qarxa ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) Cabdi Khaliif Maxamed.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dowladda Qatar kala hadlay in ay garab ku siiso ciribtirka khawaariijta

Doxa-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta…

GudahaWararka
September 5, 2023

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababbar u furay qaar ka mid ah Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa maanta tababbar u furay 30 Saxafi oo ka kala…

GudahaWararka
July 22, 2023

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 w𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀e 𝗼𝗼 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗝𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗧𝗮𝗻𝘇𝗮𝗻i𝗮 +Sawirro

Daarasalaam (SONNA): Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo magaalada Daarasalaam ee dalka Tanzania kaga qayb…

GudahaWararka
July 25, 2023

Howlgal ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanno hoostag Magaaladda Kismaayo

Muqdisho,(SONNA):-Ciidanka kumaandooska Danab iyo Darwaashita Jubbaland ayaa hawlgal wada jir ah oo ay ka fuliyey kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii …

GudahaWararka
September 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023