Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Sharciga Hayโadda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo ku xigeenka Labaad Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow. Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xaange oo warbixin ka siiyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sharciga uu nidaaminaayo qaab-howleedka mihnadda xirfadlayaasha xisaabiyaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka dooday Sharciga Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed ee hadii sharcigeeda la ansixiyo la dhisi doono xirfadlayaal sarre oo ka shaqeeya xisaabaadka Dowladda ayaa waxay sheegeen in sharcigan uu leeyahay muhiimad gaar ah la marsiiyo guddiga maaliyadda si ay u soo turxaan bixiyaan, shaqada iyo habraaca loogu baahan yahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedkan Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed lagu wareejiyo Guddiga Maaliyadda si loo marsiiyo habriicii looga baahnaa, ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda ugu gutaan Xildhibaannadda.