MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika oo dalka u jooga uu kuur galida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, ayna masโuuliyadda ammaanka dalka ku wareejin doonaan Ciidankaย Xooga Dalka Soomaliyeed.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Safiir Mohammed El-Amine Souef ayaa wasiirka uga mahad celiyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta Saraakiisha u timid inay uu kuur galaanย hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS.
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuurย ayaa u mahadceliyay Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika doorka ay ka qaateenย Xasilinta iyo amniga dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in tilaabo wanaagsan la gaaray oo ah inay maanta Ciidanka xoogga dalka ku filan yihiin in ay ATMIS kala wareegaan masโuuliyadda amniga goobaha la isla gartay. Qorshaha kala wareegida amniga ATMIS wuxuu u socon doonaa sida loogu talagalay illaa askariga u dambeeyay dalka ka bixi doona dhammaadka December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628.