Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha
    May 13, 2025
    Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada 
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Shacabka Muqdisho oo Ciidanka kala shaqeynaya xaqiijinta Amniga (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shacabka Muqdisho oo Ciidanka kala shaqeynaya xaqiijinta Amniga (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Shacabka Muqdisho oo Ciidanka kala shaqeynaya xaqiijinta Amniga (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 8, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe lagu xakameynayo hubka Magaalada Muqdisho, oo loogu yeeray (Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda), kaasi oo ka kooban 14 qodob.

Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, iyadoo laga ambaqaadayo go’aankii Golaha Wasiirada ee soo baxay 6-dii bishii April 2023-ka ee Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, waxaa Dowladda Federaalka Somaliya ay shacabka la wadaagtay faah faahin ku saabsan xeerkan muhiimka ah.

Ujeedada laga leeyahay xeerkan ayaa ah in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimaddu u leedahay xasillooni iyo nabad ay u helaan naftooda. Sidaa daraadeed waxaan halkan idin kula wadaagaynaa nuxurka xeerkan oo u dhigan, sida tan soo socota:-

-Waxaa reeban oo la mamnucay in magaalada lagu dhex wato hubka culus, sida a) Gaadiidka Ciidanka oo qori ku xiran yahay b) Qoriga Sabanka ama baasuukaka (RPG). c) Qoriga Dabajeexa (PKM).

-Waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda ahayn ay keensato hub iyo gaadiid ciidan, siiba gaadiidka loo yaqaano Cabdi Bilaha iyo dareyska ciidanka.

-Gaadiidkan iyo hubkan la mamnuucay waxaa magaalada lagu dhex wadan karaa oo keliya marka ay adeegsanayaan ciidan hawlgal idman ku jira.

-Dhammaan hubka iyo gaadiidka ciidan ee la qabto, iyadoo aan ruqsad loo haysan ama xadgudub ku ah xeerkan, waa la la wareegayaa, waxaana uu noqonayaa hanti dowladeed.

-Diiwaangelinta iyo bixinta rukhsadda ilaalada waxaa u xilsaaran Wasaaradda Amniga Gudaha.

-Waxaa reebban cid aan ahayn ciidammada u xilsaaran sugidda amniga caasimadda in hub aan rukhsad lahayn ay magaalada ku dhex wadato.

-Ciidammada ilaalada ah ee haysta ruqsadda, marka ay shaqada ku jiraan waa in ay wataan labiska ciidanka ay ka tirsan yihiin.

-Ciidamada sugaya amniga bara-ilaaleedka (checkpoints-yada), waa in ay u turaan bulshada adeegsanaya waddooyinka, si wanaagsanna ula dhaqmaan, sidoo kalena, ay mas’uuliyiinta waddooyinka adeegsanaya siiyaan tixgelintooda iyo mudnaantooda.

-Masuuliyiinta iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee waddooyinka adeegsanaya, waa in ay u hoggaansamaan ayna dhowraan farriimaha iyo tilmaamaha ciidammada sugaya amniga caasimadda, isla markaana ay u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, iyo kuwa kale, Xeerkan waxaa uu dhaqangalay 6-dii bisha April 2023-kii, markii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Haddaba waxaa laga jooga muddo Bil iyo dhowr maalmood, markii uu soo baxay xeerkaasi, su’aashu waxay tahay maxaa ku soo kordhay Caasimadda Dalka ee Muqdisho? Jawaabta meel dheer lagama doonaayo u fakarna uma baahna, waa caddahay in wax weyn ay ka qabteen Ciidanka cusub ee lagu soo tababar Dalka keenya, islamarkaana aaday dardaarankii uu ku siiyay Xerada Tababarka ee Hiilweyne Madaxeynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna durba howl weyn ka qabteen, islmarkaana gacan bir ah ku qabteen wax alle iyo wixii khatar ku ah amniga guud ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isagu jira Maleeshiyaadka Kooxda Argagaxisada ee Alshabaab, Ciyaal weero ama Gaangiska, kuwa ka ganacsada Mukhaadaraadka qeybihiisa kala duwan iyo hubka sharci darrada ah, waxayna ku soo afjareen muddaasi gaaban, iyadoo Magaalada laga dareemayo xasilooni iyo nabad ballaaran, gaar ahaa Maalmihii lagu gudajiray bishii Barakeysneyd ee Ramadaan iyo maalmiihii Ciidul Fidriga.

“Waxaan la iska indha tiri karin in caasimadda dalka xasishay, lana helay albaabadii ay sharuhu ka soo gudbi jireen, waxeyna tani ku timid ciidamada Boliis Militar ee la dul dhigay saraakiishii iyo askartii hore uga shaqeyn jirtay amniga caasimadda. Waxey shacabku arkaan askar asluubeysan, baaritaan mooyee aan kala wareeg dhaheen, ID haddaadan wadan iga laabo ku laheyn, hadal dabacsanna kula hadla marka ay waajibaadkooda ka gudanayaan” sidaasi waxaa yiri Axmed Macallin Fiqi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sii raaciyay “Hay’addii Sirdoonka fadhigii waa ka kacday oo waa taas magaalada iyo duurkana howlo adag ka wada, dabagalna ku heysa dhaqdhaqaaqa Khawaarijta, haddey ahaan laheyd dhaqaale, Militery iyo baraha ay uga gudbaan saanadda Militery”.

Shacabka waa kuwaas aaminay ciidankooda, soo qaqabanaayo khawaarijta, luuq walba ay ku arkaana soo sheegaya, gobolkada dalkana kula dagaalamaya, taas oo ka dhigan in argagaxisadu uu waqtigoodii dhammaaday. Ciidamadii xoogga waa kuwaa duurka ku eryanaya haraadiga howdka ku haray, si ay gacantooda ugu keenaan Soomaaliya oo Khawaarij la’aan nool, adduunka kalena la tartanta.

Muqdisho oo hal sano nabad ahaato, ganacsatadu u baaqato baadda ay khawaarijta ka qaadaan, canshuurta ku waajibtayna ay siiyaan dowladda waxa ay u ekaan doontaa caasimad nabad ah muddo yar kadib, waxaana saaka Magaalada Muqdisho ku cusub in la aruuriyay Ciyaal Dabi Jiifyadii iyo kuwii derbiyada ku dhuuqi jiray Koolda iyo waxyaabaha Maanka dooriya, waxaana filaayaa in loo sameey doono  goobo lagu dhaqan celinayo.

Waxaa kaloo jira oo hore loo waayay in lagu dhiirado soo qabashada iyo la dagaalanka Kooxaha Khawaarijta iyo Ciyaal weerada, waxaana tusaale u soo qaadaneynaa 3-dan Muwaadin oo deggan Magaalada Muqdisho waana Geesinimo ku dayasho mudan:- 3 degmo oo cirifyada Muqdisho ku kala yaalla ayay ka kala dhaceen qisooyinkan ugubka ah!.

1-Gabar ay Khawaarijtu gurigeeda isku dayeen in ay ka weeraraan ciidamada amniga oo halkaas ka ag-dhowaa ayaa iyada iyo qoyskeedii oo isku duuban ay u cuntami weysay arrinkaas, taasna ay sababtay in walaasheed ay ku dhimato, caruurtii iyo ninkeediina ay ku dhaawacmeen si ay u badbaadiyaan ciidanka, Degmadduna Waa Kaxda.

2- Wiil dhallinyaro xoogsato ah ayaa hortiisa lagu dilay Askari Booliis ah, markaas ayuu  raacdeystay labadii Khawaarij ee dilka geysatay illaa uu ku  guulaysto isaga iyo ciidamo booliis ah oo uu wacday in ay qabtaan labadii Khawaarij iyo hubkoodii, taasina waxay ka dhacday Demada Kaaraan.

3- Nin kale oo da’ dhexaad ah ayaa isaga iyo saaxiibkiis ay arkeen khawaarij jawaanno ku wata hub iyo bambooyin oo ay u bareereen in ay qabtaan khawaarijtii iyo hubkoodii!, tanina waxay ka dhacday Degmada Dayniile

Saddexda dhacdo inkasta oo ay meelo kale duwan ka dhaceen haddana waxay wadaagaan hal dareen oo ah shacab dhiiraday oo qeyb ka ah sugashada amnigooda, waana meesha muddada dheer lala rabay shacabka MUQDISHO inuu gaaro, iyadoo Dhammaantood dawladdu waa abaalmarisay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku (SONNA): Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga oo kala wareegay hoggaanka ATMIS Lix Saldhig (WARBIXIN)

Horumar la taaban karo ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaareen, waxa ayna maalintii khamiista aheyd ku dhawaaqeen in ay ku…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
July 8, 2023

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha wasaaradda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa manta kulan muhiim…

GudahaWararka
December 26, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka China ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku…

GudahaWararka
April 17, 2024

Taliyaha ciidanka booliska oo booqday taliska booliska dowlad deegaanka Soomaalida

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo oo howlo safar shaqo…

GudahaWararka
June 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023