Dooloow-(SONNA)-Ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsanayn howlgalka midowga Afrika ATMIS ee saldhiggoodu yahay magaalada Dooloow Soomaaliya ayaa ka hor tagay weerar naftii hallignimo ah oo ay khawaarijtu damacsanaayeen in ay ka geystaan saldhig ay halkaasi ku leeyihiin Ciidanka.
Sarkaal sare ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Khawaarijta Al-shabaab ay saldhigga Ciidanka Itoobiya ku weerareen laba gaari oo uu midkood ahaa Surf kuna qarxay afaafka hore ee saldhigga, kaas oo sababay dhaawaca afar Askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya.
Ciidanka ayaa sidoo kale toogasho ku dilay wadihii gaariga labaad, kaas oo ku qarxay meel ka durugsan saldhigga, mana geysan wax qasaara ah sida uu sheegay sarkaalka la hadlay SONNA.
Ciidankan la weeraray ee Itoobiyaanka ah ayaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya cirib tirka kooxaha khawaarijta, iyagoo qeyb ka ah wejiga labaad ee dalka loogu xoreynayo kooxaha argagixisada.