Nairobi (SONNA): Wasiir dowlaha wasaaradda hawlaha guud iyo dib-udhiska dowladda FS mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay furitaanka shir-weyne ay qabaneyso UN- Habitat.
Shirkaan ayaa oo ah Kalfadhiga 2-aad ee golaha deegaanka Qaramada Midoobe (UN Habitat) ayayaa sanadkan lagu gorfeyn doonaa Mustaqbal Magaalo waarta, iyada oo loo marayo is-dhex-gal dhinacyo badan leh, si loo gaaro yoolalka horumarineed ee joogtada ah waqtiyada xasaradaha caalamiga ah ay jiraan.