Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee kalfadhiga 3-aad oo ay soo xaadireen 143 Xildhibaan.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta iyo akhrinta mooshinka wax ka bedelka kaabiska Dastuurka KMG ah iyo qeybinta Hindise-sharciyeed-yada kala ah.
- Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.
- Hindise Sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.
- Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.
Xildhibaan Cabdifitaax Cabdullaahi Caraaye oo ku hadlaayay magaca Guddiga soo diyaariyay qodobka mooshinka wax ka bedelka Dastuurkaayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS uakhriyay soo gudbinta iyo Akhrinta mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah.
Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, iyagoona doodooda ku lafa-guray Dastuurka dalka iyo turxaan bixin ku aadan mooshinka la hor keenay Golaha. dooda xildhibaanada ayaa ubadneyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan mooshinka la horkeenay.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa soo xiray kulanka maanta, asaga oo bogaadiyay Xildhibaannada dooda adag ay ka yeesheen qodobka soo gudbinta wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee ku aadan muddo xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka, waxa uuna faray xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga KMG ee ka shaqeynta mooshinka wax soo jeedinta ka bedelka iyo kaabista Dastuurka si ay tallooyinka xildhibaanada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale xildhibaanada loo horkeeno doodna ay ka yeeshan.