Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto kalluumeysato ajaanib ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto kalluumeysato ajaanib ah
GudahaWararka

Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto kalluumeysato ajaanib ah

By Bile
Last updated: June 3, 2023
2 Min Read
Share

MUQDISHO-(SONNA)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto ajaanib si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay badda Soomaaliya 10kii April 2023 kuwaas oo intooda badan u dhashay Jamhuuriyadda Iiraan.

Caddeymo muujinaya dhaqdhaqaaqa ay sameynayeen kalluumeysatadaan ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyada oo xafiiska xeer ilaalintu uu baaris ku sameeyay kiiskaan iyo caddeymaha is wata.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa maxkamadda u soo bandhigay baarayaasha dacwadeed iyo sido kale qalabka socodka Maraakiibta xeebaha dalkeena, waxaana uu sidoo xafiiska xeer ilaaliyaha  guud ee Qaranka uu maxkamadda u soo gudbiyay galal cadeymaha eeda loo heysto kalluumeysatadaan ajaanibta ah.

Madaxa la socodka Maraakiibta ee wasaaradda Kalluumeysiga ayaa Maxkamadda u sharaxay qaabka loola socday dhaqdhaqaaqa doomahaan iyo sida loo helay xogtooda.

Xeer illaaliye ku-xigeenka Qaranka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir u soo bandhigay eeda ay ku soo oogeyn kalluumeysatadaan ajaanibta ah iyo qaabka ay ugu so xad-gudbeen biyaha Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inay jabiyeen eedeysanayaashan sharciga kalluumeysiga Soomaaliya.

“Eedeysanayaashan waxaa ay sameynayeen kalluumeysi sharci daro ah, waxaana ay ku xad gudbeen sharciga kalluumeysiga iyo sharcigii hore ee horumarinta iyo maareeynta kalluumeysiga, gaar ahaan qodobadiisa 54-aad oo dhigaya howlwadeen Markab kalluumeysi oo gali kara biyaha Soomaaliya ma jiro haddii uusam heysan ogolaansho” ayuu yiri Xeer illaaliye Yaxye.

Qareennada difaacaya eedeysanayaasha ayaa soo bandhigay nuqullada ay ku difaacayaan, iyaga oo sheegay inay heystaan warqado u fasaxaya oo laga diiwaangeliyay DG Galmudug sida ay hadalka u dhigeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa gabagabada kiiskaan sheegay in saddex jeer uu maray dhageysiga eedeynta loo heysto kalluumeysatada Ajaanibta, go’aanka Maxkamadda ayuu tilmaamay in dib laga soo shaacin doonno.

 

TAGGED:Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto kalluumeysato ajaanib ah.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka

Muqdisho(SONNA);-Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Ashkir oo khudbad ka jeediyey kulanka guud…

GudahaWararka
April 28, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga oo guddoomiyay shir looga hadlayey Arrimaha Xasilinta

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane Cumar Cali…

GudahaWararka
August 25, 2024

Madaxweynaha Shiinaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Giriigga

Madaxweynaha dalka Shiinaha Mr. Xi Jinping ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magalada Athenis ee dalka Griigga ,halkasi oo loogu…

CaalamkaWararka
November 11, 2019

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay Qado Sharaf uu u sameeyay MD Jabuuti madaxda ka soo qeyb gashay caleemo saarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad qado Sharaf ah oo madaxweeynaha Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
May 15, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023