Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda FS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Finland oo uu hogaaminayeyย Eero Koskenniemi.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan wasaaradaha Arrimaha gudaha labada dal iyo sida loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood. Sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahayd marwo Tuula Svinhufud oo ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland iyo xubno kale oo ka socday Safaaradda Finland ay ku leedahay Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiintaย dowladda FS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu mahadceliyey dowladda Finland taagerada joogtada oo ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda ay ka taageeraan wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS. Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada ee muddada soo jiray.