Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran
    July 25, 2025
    Wasiirka gaashaandhiga XFS oo la kulmay wasiirka warshadaha difaaca dalka Azerbaijan
    July 25, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 25, 2025
    Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole
    July 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 31, 2023
6 Min Read
Share

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahinayey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa baarlamanka u sheegay heshiis kasta oo siyaasadeed, sharci dejin iyo wax ka beddel dastuur oo aan baarlamanka soo marin inaau sharci ahayn, dalkana ka shaqeyn karin.

2- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa madaxda dalka waxay xuseen in dalka uu ka guurayo nidaamkii hore ee siyaasadeed, loona guurayo nidaam ay shacabka talada leeyihiin oo doorasho qof iyo cod ah.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isimada dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag mar kale u jeediyay in dhinacyada dagaalka ka jira Sool u dhexeyso in xal wadaxaajood ah loo raadiyo colaadda taagan, dowladduna door ka qaadeneyso nabadeynta iyo fududeynta wadaxaajoodka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo mar kale loo doortay inuu xafiiska sii joogo.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira fulinya siyaasadda dib u heshiisiinta ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland kala hadlay dhismaha maamulka Gedo iyo dib u heshiisiinta.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee Alle ha u naxariistee Marxuum G/le Sare Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Kacaanka ee dowladdii milateriga Soomaaliya.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay safiirka Maraykanka Lary Andre oo muddo uu dalka ka hawlgalayey ay dhammaatey.

9- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

10- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aaden Maxamed Nuur oo dhagax dhigay dhismaha dekedda magaalada Dekadda Baraawe oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

12- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Bankiga Horumarinta Afrika ee Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, waxayna ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo dayn cafinta Soomaaliya.

13- Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo maamulka Puntland doorashadii golaha degaanka , iyago dhanka kalena ku baaqey in deegaannada aanay weli ka dhicin doorashada ay si nabad ah uga dhacdo.

14-ย  Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo si rasmi ah u soo xiray Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

15- Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha XFS ayaa si diiran u soo dhaweeyay ansixinta lacago gaaraya 20.5 milyan oo Euro oo Midowga Yurub ay ugu talagaleen taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov.

17- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ku soo qaadeen Saldhigga Ciidanka Midowga Afrika (ATMIS) ee Buulo Mareer. Waxaa sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay bogaadisay weerarkii rogaal celinta ahaa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ay ku burburiyeen Khawaarijtii weerarka soo qaaddey iyo hubkii ay siteenba.

18- Dowladaha Qatar, Mareykanka iyo Britain oo ku dhawaaqay in 10.5 milyan oo doollar ku taageerayaan Soomaaliya

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaaย  fashiliyay isku day weerar oo ay Khawaarijtu ku soo qaadeen magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud, waxaana Khawaarijta laga dilay 30 xubnood iyo qaar kale oo badan oo laga dhaawacay.

20- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Itoobiya uga qeybgalay shirka taliyeyaasha ciidanka booliska ee Bariga Afrika (Eapcco).

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka soo qabtey horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijtaย  kuwaas oo ay ka mid yihiin Mukhtaar Maxamad Maxamuud, magaca afgarashadiisu tahayย  Aw Maxamuud, Caseyr Maxamad Maxamuud (Ayatullah).

22- Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan lagu dardar galinayo amniga caasimada la yeeshay saraakiisha howlgalka Ciiltire.

23- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinkii laga xorreeyay Khawaarijta.

24- Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo daah-furtay barnaaamijka dardar gelinta dadaallada ciribtirka cudurka dabaysha.

25- Ciidamadaย  Amniga oo maalmahaan howlgallo nabad sugid ah ka wada magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo haystey dharka ciidanka, hub kale iyo waxyaabaha qarxa.

26- Shirkii Madasha Maayarada Soomaaliya oo magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

27- Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan oo hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 30 maliishiyaad oo ka tirsan Khawaarijta.

28- Howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ka fuliyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayay ku soo qabteen qaraxyo, gaadiid iyo dadkii waday.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran

Baku(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Shaqada XFS oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxa IOM ee Soomaaliya

Muqisho(SONNA)--Wasiirka Shaqada XFS Mudane, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Maantaย  Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ku qaabbilay Madaxa cusub…

WararkaWargayska
July 12, 2020

Wasaaradda caafimaadka XFS oo maanta shaacisay dad hor leh u geeriyooday Covid 19

Muqdisho;(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaย  war ka soo baxay oo nuqul kamid ah ay hehsey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa waxaa…

Wararka
April 27, 2020

Wasiirka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo xilka la wareegay

Muqdisho (SONNA): Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Jaamac ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta…

GudahaTechnologyWararka
April 17, 2024

Tahriibayaal ku xayirnaa dalka Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Muwaadiniinta la soo celiyay oo ka kooban 97- dhalinyaro ah, shan ka mid ah waa dumar kuwaasi oo muddo…

GudahaWararka
January 12, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023