Muqdisho-(SONNA)-Waxa maalinkii 2-aad galay Shirka dhaqaalaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo maanta looga hadlayo Iskaashiga Ganacsiyada gaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii isku xir looggu samayn lahaa ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga ee shirka ku sugan.
Wejigii koowaad ee shirka dhaqaalaha ayaa looga hadlay xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo siddii loo xoojin lagaa iskaashiga, wax wada qabsiga iyo dhiirrigelinta maalgashiga, iyadoo ย sidoo kale dood cilmiyeedyo laga yeeshay, taas oo ay dhammaan ganacsatidii ka qayb gashay ay kusoo bandhigeenย fikradahooda iyo halabuurkooda ganacsi.
Raโiisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre oo shalay furay Shirka ayaa sheegay in ujeeddadiisa ugu weyn ay tahay abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami, si loo xaqiijiyo in cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka uu suuqa Soomaaliya u furan yahay, isla markaana la meel-mariyay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye.