Muqdisho (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Nithavrianakis, iyagoo is dhaafsaday arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Ingiriska.
Wasiirka ayaa si diiran u soo dhaweeyay Safiirka oo Soomaaliya ka bilaabay shaqadiisa diblomaasiyadeed, isagoo xusay in uu rajeynayo danjiraha cusub inuu sii wado calaaqaadka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska, islamarkaana la iska kaashado ciribrirka argagixisada iyo tababarka ciidanka Soomaaliyeed.
Danjire Michael Nithavrianakis ayaa xusay in UK ay sii wadayso taageerada ay siiso ciidanka xoogga dalka oo isugu jirta tababar iyo taageero farso, si loo wiiqo awoodda kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.