Kampala (SONNA): Wasiirka wsaaradda Beeraha iyo waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Madoobe Nuunow ayaa ka qaybgaley shirkii 2-aad ee wasiirada Beeraha ee ururka xoojinta cilmi-baarista Beeraha ee Bariga iyo bartamaha Afrika (ASARECA) kaas oo lagu qabtey magaalada Kampla ee dalka Uganda, islamarkaana hal-ku-dhigiisu ahaa โ dhisidda nidaamyo cunto oo adkaysi leh si loo quudiyo Afrika jiilaalka soo socdaโ.
Intii lagu guda jirey shirka, Soomaaliya waxaa rasmi ah loogu ogolaadey inay ka mid noqoto ururka (ASARECA) kaas oo ka kooboan 15-dal oo kala ah: Burundi, Cameroon, Central African Republic, Democratic Republic of Congo, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Madagascar, Republic of the Congo, Rwanda, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania iyo Uganda.
Ururkaan waxaa la aasaasey 1994, iyadoo ay hormuud ka ahaayeen wakiillada ururada Qaran ee cilmi-baarista Beeraha 10 dal, waxaana ku biirista (ASARECA), Soomaaliyaย ka faaโidi doonta.
โขXoojinta awoodda hayโadaha cilmi-baarista Qaran si loo horumariyo beeraha.
โขSare-u-qaadida ilaalinta khayraadka dabiiciga iyo dhaqan gelinta habab wax-soosaar beereed ee hormarsan
โขHelidda dhaqaalaha gobol ahaan oo loo soo ururiyey si loo hirgeliyo cilmi-baarista beeraha, tababarada, adeeyada fidinta iyo waxbarashada.