Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka
    November 9, 2025
    Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool
    November 9, 2025
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Nuxurka War-murtiyeedka shirka 6-aad ee Golaha Wadashiga Qaran (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Nuxurka War-murtiyeedka shirka 6-aad ee Golaha Wadashiga Qaran (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Nuxurka War-murtiyeedka shirka 6-aad ee Golaha Wadashiga Qaran (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 29, 2023
9 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shirkan oo ahaa kii 6-aad ee ay isugu yimaadaan Madaxada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan ka furmay Magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo seddex cisho ah ayaa looga hadlay qodobo wax weyn ka tari doona Masiirka Ummadda Soomaaliyeed, jiheynta siyaasadda Dalka iyo qoddobo kale oo muhiim u ah dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Shirku intii uu socday waxaa madasha horteeda looga dhageystay warbixin faahfaahsan  oo ku saabsan Dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidan Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage, iyagoo aad ugu dheeraday guuliha la gaaray ilaa iyo hadda , waxayna xuseen in dhawaan la soo afjari doono wajiga 1-aad, loona gudbi doono wajiga 2-aad, kaasi oo lagu wado in laga bilaabo deegaannada dhaca Webiga Jiinkiisa.

Kadib falanqeyn iyo fikir is weydaarsi waxaa  Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Muqdisho, waxaana laga soo saaray toddoba qodob, Shirka waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, iyo shanta Madaxweyne Maamul goboleed ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Jubbaland , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) Koonfur galbeed, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor Galmudug, Cali Cabdullahi Xuseen GuudlaaweHirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Madaale.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Hanaanka Doorashooyinka Dalka, xaaladda Amniga Dalka gaar ahaan u diyaar garowga Wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab, islamarkaana lagu ciribtirayo kooxdaasi, dhameystirka deyn cafinta, fulinta heshiisyadii hore ay goluhu hore u gaareen, arrimaha fatahaadaha ee webiyada Shabeelle iyo Jubba iyo khasarooyinkii ka dhashay, waxayna ugu dambeyntii ka soo saareen qodobo dhowr ah, waxaana iyadoo la tixraacayo heshiisyadii iyo War-murtiyadeedyadii ka soo baxay shirarkii hore ee Golaha wadatashiga Qaran, Goluhu waxa uu ka wada hadlay, kuna heshiiyay Qodobada ay ka mid ahaayeen:-

Qodob ka hadlaayay arrimaha Amniga, Golaha wadatashiga Qaran waxa uu bogaadinayaa guulaha laga gaaray Istaraatiijayada Qaran ee la dagaalanka Argagaxisada ee ku aadan howlgalada dhanka Militariga ah oo ay horseed ka yihiin Ciidan Xoogga Dalka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo horseeday xasiloonida guud ee Dalka gaar ahaan amniga Caasimadda.

Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay shirka wadatashiga waxaa kaloo ka mid ahaa qodob ka hadlaayay Doorashooyinka oo muhiimaddiisa lahaa waxa uuna u qornaa sidan:-

Goluhu isagoo ka ambaqaadaya hanaanka doorashooyin ayaa waxa uu goaan kun gaaray 1. HANAANKA DOORASHOOYINKA. A)Golaha wadashiga Qaran waxa uu ku heshiiyay in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan Laba Xisbi Qaran oo kaliya.

  1. B) Hanaanka Doorashooyinka Dalka wuxuu noqonayaa nidaamka Matalaadda isu dheelitiran ee Liiska Xiran.
  2. c) Liisaaska Xisbi walba waa inaysan ka badnaa labalaab kuraasta loo tartamaayo

Qodobka 2-aad ayaa ayaa ka hadlaayay deegaan doorashada oo isna sidan u qoran:-  Goluhu waxa uu ku heshiiyay in Kuraasta loo tartamaayo lagu soo doorto Hal deegaan doorasho.

Qodobka ka hadlaaya Doorashada Baaarlamaanka waxaa lagu tartamayaa habka Xisbiyada badan.

Qodobka 6-aad ayaa sheegaya in a) xubnaga Golaha deegaanka waxaa si toos ah u soo dooranaya bulshada Deegaanka. B) Kuraasta Golaha deegaanka waxaa ku tartamaya Urur Siyaasadeedyada. C)labada Urur siyaasadeed ee ugu codka badan ayaa noqonaya ee labada Xisbi Qaran ee uu Dalku yeelan doono.

Ka dib, bayaankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee heshiiska rasmiga ah kaga gaaray arrimaha amniga, doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda dalka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore ay u gaareen xubnaha golaha, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hareer joogaan xubnaha kale ee golaha Wadatashiga Qaran oo shir jiraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay heshiisyada goluhu ay gaaraan iyo waxyaabihii dhaliyay, isagoo tilmaamay taariikheynta halgankii iyo dadaalkii dheeraa ee loo soo galay Dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka ayaa tilmaamay in la soo gaaray bar-dhammaad ay adag tahay in lagu sii socdo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in lagama-maarmaan ay tahay in talada shacabka lagu celiyo.

” Wuxuu dalku u baahan yahay dib-u-dhis, maalgelin iyo inuu soo kabto dhammaantii, intaas oo dhan waxaa shuruud u ah dalku inuu leeyahay Dowlad sal-ballaaran oo sharciyad ballaaran leh, dadka Soomaaliyeedna si dhab ah u matasha,matelaad duruufo ay keentay waa soo haysan jirnay, walina waa haysanaa, laakiin markan inaan ka sii ballaarino oo matelaad ku saleysan codka shacabka iyo go’aanka shacabka Dowladnimadeennu in ay ku saleysnaato,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dalka haddii aan xoreyno, waxa ugu horeeyo uu u baahan yahay waa nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan, inta badan dalka oo nimanka Khawaarijta ah ku habsadeen ku fadhiyeen muddada 15ka sano ah maanta inta laga kiciyay iyo inta dhiman ee laga kicin doonaba waxay u baahan yihiin Dowladnimo iyo xukun in la gaarsiiyo”,.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaargarow-baan doorashadaas qof iyo codka ah, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan furneyn waddo kale oo ah in tallada lagu celiyo shacabka.” Waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed walaalayaal meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay cabsida aan yareyno, shakiga aan ka baxno, 30-sano ka dib, Qof Soomaaliya xoog ku haysan karto malahan, nin isaga shaatigiisa toshay oo iska joogi karo malahan sheekadaas waa soo dhammaatay, dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsiggeedu yar yahay oo degganaasho siyaasiyaadeed leh ayaa u baahan mahay, dalkan siyaasad qariban tahay ayuu 30-sano meeshan u joogaa,”.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadu, qodobada kale ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah, dadaalka Dowladdu ay waddo ee Barnaamijka Deyn cafinta oo uu tilmaamay inuu gaba-gabo marayo, ahmiyadda Barnaamijkan ayuu madaxweynihu si weyn u faah faahiyay.” Dalka Deyn cafinta, lacag dhowr bilyan oo Dollar oo Soomaaliya muddo dheer lagu lahaa ayaa laga cafinayaa laga tirayaa, Soomaaliya waxay u yeelaneysaa fursad in ay caalamka la macaamiisho, in ay deyn kale, qaadan karto, in ay dad ajaaniib ah iyo maalgashi toos ah waxa Afka qalaad lagu yiraahdo ( Direct Foreign Investment) in ay heli karto, dadka Soomaaliyeed in ay iyagu dalkooda maalgashan karaan, dadka Ajanabiga ee saaxiibada ah in ay dalka yimaadaan maalgashan karaan, waxay u baahan tahay si dalka loo maalgeliyo Dowlad sharciyad ballaaran dadka ka haysata oo dimuqraadi ah oo codka dadka ku timid,”. Ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Ugu dambeyntii Madaxda heer federaal iyo heer Dowlad gobolleed ee ku mideysan golaha wadatashiga qaran oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay heshiis ugu gaareen arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo dhaqangelinta heshiisyadii hore goluhu u gaaray, nuxurkeeduna yahay tallaabo hor leh oo hore loo qaaday, qaab siyaasadeed daahfuran iyo iyadoo Dowladdaan ay dhusan tahay 1 sano oo kaliya sii bayaanisay in laga gudbo nidaamkii lagu soo caana maalay ee ahaa 4 5 ka, lana sii iclaamiyay Nidaamka Xisbiyada badan ee Qof iyo Cod.

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Kamandooska Danab oo la kulmay taliyaha qaybta 5-aad ATMIS

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Kamandooska Danab Gaashaanle dhexe Caydaruus Maxamed Xuseen iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay taliyaha Qaybta 5-aad…

GudahaWararka
November 11, 2023

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya 

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada…

GudahaWararka
April 7, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Ayaa ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM ee…

GudahaWararka
November 17, 2024

Soomaaliya iyo Finland oo iska kaashanaya amniga socdaalka

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa kulamo iyo booqasho saddex maalmood socotay ku martigelisay magaalada Muqdisho wafdi heer…

GudahaWararka
October 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023