Kampala-(SONNA)-Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka dalka aan walaalalaha nahay ee Turkiya u fadhiya Uganda Amb. Fatih Ak.
Labada safiir ayaa ka wada hadlay xariirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii iskaashi labada dhinac u sameyn lahaayeen ee ku jirto danaha labada dowladood.
Safiirka Turkiya ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee safaaradda Soomaaliya ee Uganda loogu soo dhaweeyay, taasoo muujinaysa xariirka wanaagsan ee labada dowladood ee walaalaha ah ka dhaxeeya.
Dhankiisa Safiir Cali oo ka mahad celiyey booqashada uu safaaradda ugu tagay, sidoo kalena ka mahad celiyay taageerada aan kala-go’a lahayn ee dowladda Turkiya la garab taagan tahay dowladdeena Soomaaliya, wuxuuna sheegay in si dhaw safiir ahaan ula shaqeyn doono walaalkiis safiirka Turkiya.