Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 24, 2023
5 Min Read
Share

1- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta Muqdisho ka furmaya, loogana hadli doono qorsheyaal muhiim u ah dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta uga waramey horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab, qorshaha ciidammada Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, deyn cafinta iyo xasilinta dalka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sidoo kale Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ka sheegay inuu soo dhoweynayo dib ugu soo noqoshada ururka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, isagoo dhanka kalena ku celiyay baaqii ahaa in dhinacyada isku haya Suudaan ay colaadda joojiyaan, wadahadalna ku xaliyaan khilaafkooda.

4-  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Jeddah kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgashey Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dooxa kulan miradhal ah kula yeeshay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada Qatar uga waramey fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kula kulmey saraakiil ciidan Soomaaliyeed oo tababar uga socdo Qatar, isagoo ku booriyay inay isku diyaariyaan ka qeyb ahaanshaha hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed  oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.

10-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sandadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika.

11-  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada.

12-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa agaasimeyaasha guud iyo maareeyeyaasha haya’adaha dowladda farey kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, una sheegay in xukuumaddu muhiimad gaar ah siinayso hufnaanta adeegyada bulshada.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad si rasmi ah loogu shaacinaayey macalimiinta kuy guuleysatey barnaamijka shaqaaleynta macalimiinta cusub ee dugsiyada dowladda.

15- Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya.

16-  Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York halkaas oo uu ka dhacayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka Bariga Afrika ee abaaraha ay saameeyeen.

17-  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay qeybta koowaad ee kulanka wadatashiga diyaarinta istiraatiijiyadda qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka.

18- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay shixnad ciidan oo ku socotey Khawaarijta Al-Shabaab.

19- Ciidamada Booliiska Degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay  doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan.

20-  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno ku ridday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febraayo ee sanadkaan.

21-  Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa furay kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka caddaaladda iyo asluubta ee ay dhawaan Golaha Wadashiga Qaran heshiis ka gaareen.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ka daah-furay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya.

23- Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ayaa ka dhacay Muqdisho.

24- Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo  tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameystey tababar heerkiisa aad u sareeyo.

25- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa bin Jassim Al Kuwari.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Galmudug oo laga furay tababbar ku saabsan la dagaalanka Maalgelinta khawaarijta

Dhuusamarreeb(SONNA):-Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda ee dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac ayaa maanta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ka furey,…

GudahaWararka
October 19, 2024

Guddiga Doorashooyinka oo tababar siinaya wariyaasha doorashada ka shaqaynaya

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku…

GudahaWararka
December 16, 2025

Ciidamada kumaandooska ee DANAB oo howlgallo ka sameynaya Degmada Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga

Muqdisho (SONNA)-Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan  ka wada Degmada Wanlaweyn iyo deegaanno ku dhaw dhaw oo maalmihii…

Wararka
April 8, 2020

“BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH” )WARBIXIN)

Inta aannu u gudagalin dulucda warbixinteenna maanta aan bal dib u milicsanno taariikh ahaan waa magaalo ceynkee ah Degmada Ceelbuur?…

MaqaalladaWararka
August 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023