Muqdisho (SONNA): Agaasime guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa Muqdisho ka furay shir looga hadlayo diyaarinta istiraatiijiyadda Qaran ee warbaahinta dalka.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala socday warbaahinta dowladda, xafiisyada warfaafinta ee hay’adaha dowladda, gobolka Banaadir iyo warbaahinta madaxa banaan.
Ka qaybgalayaasha ayaa ka doodi doona mudada uu shirku socdo oo sadex cisho ah sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad lagu hago warfaafinta dalka, taas oo ku salaysan baahida bulshada Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayi Ducaale ayaa xusay inay wasaaraddu hore u samaysay xafiis mideeya farriimaha dowladda, kaas oo wax wayn ka qabtay in la helo akhbaar sax oo mida ah, kana tarjumaysa xogta rasmiga ah ee dowladdu shacabka u gudbinayso.