Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Thomas K. Chepkuto.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kaas oo ka socda deegaanada Hirshabeelle, guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalada cadowga iyo u diyaar garowga wajiga 2-aad ee hawlgalka.
Madaxweynaha oo kulankan ay ku wehliyeen wasiirada maaliyada iyo haweenka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo caawin lahaa dadka ay saamaysay fatahaadaha baahsan ee uu wabiga Shabeelle ka geystay magaalada Beledweyne, taas oo sababay barakaca bulshada magaalada.
Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa kaalin firfircoon uga jirta la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.