Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa galay maalintiisii labaad kaa uu shalay muqdisho ka daahfuray Raaโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.
Shirkaa ayaa maanta waxa looga hadli doonaa Doodo iyo dhageysiga fikradaha kala duwan ee dhalinyarada ka qeyb galeyso shirka si loo saxo aqabada iyo fursadaha horyaal dhalinta soomaaliyeed.
Raโiisul oo shirkaa furay ย ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.
Shirweynaha Dhallinyarada oo ah kii 9-aad ayaa muddada saddexda maalin uu socdo diiradda lagu saari doonaa caqabadaha dhalinta ku horgudboon sidoo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.