Galcad-(SONNA)- Madaxii khawaarijta ee u qaabilsana waxaa ay ugu yeeran sakawaadka ee deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa wadne istaag u dhintay kadib markii uu isku dayey inuu orad kaga baxsado ciidamadda dowladda oo howlgalo qorsheysan ka fulinayay deeggaano ku dhaw Galcad.
Mahad Cagaduub oo ahaa madaxii sakawaadka deegaanada meexaan, towfiiq, Cali afrax, bud bud iyo ceel raydab ayaa manta duhurkii lagu soo qabtay kadib Howlgal ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Deegaanka Towfiiq oo 15 KM dhanka Waqooyi kaga Beegan Galcad.
Koox ka tirsan Argagaxisada Naflacaariga ah ayaa weerar Arbushaad ah ku soo qaaday Ciiidankii soo qabtay Xilligaas ayuuna isku dayay in uu baxsado lakiin markii uu ugu yaraan 3km ordayay ayuu wadnaha istaagay, wuxuuna ku dhintay bartii iyadoo wax rasaas ah lagu dhufan.
Ciidamada Dowladda ayaa hadda Gacanta ku haaya Labo ka tirsan Maleeshiyada khawaarijta oo isla howlgalkaasi ay ku soo qabteen.