Nairobi-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wada hadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka Khawaarijta kadib kulan ay ku yeesheen Kenya.
“Waxaan ka wada hadalnay doorka hogaamineed ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada socda iyo in ay naga caawin doonaan tababarrada heerka sare ee CXDS” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga XFS.
Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale dhiggiisa Kenya uga mahad-naqay kaalinta Kenya ku leedahay la-dagaallanka Argagixisada maadaama ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika iyo dalalka safka hore.