Dhuusamarreeb, SONNA:Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aqalka madaxtooyada Dhuusamarreeb ku qaabilay wafdi ka socday haya’dda WFP oo uu hoggaaminyay wakiila hay’adda ee Soomaaliya mudane Sayeed Mohammad Farooqui.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda goboleedka Galmudug iyo sii wadidda arrimaha bani’aaddannimada.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay teegeerada ay shacabka reer Galmudug la garab taaganyihiin
.