Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Beeraha oo magacaabay hawl-wadeenno dabagal ku sameeya suuqyada soo dhoofiya cuntooyinka tayadoodu liidato
    October 30, 2025
    Kulan looga hadlayay sugidda amniga xudduudaha dalka oo lagu qabtay Muqdisho
    October 30, 2025
    Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
    October 30, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti
    October 29, 2025
    Soomaaliya iyo Finland oo iska kaashanaya amniga socdaalka
    October 29, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su’aalaha Shacabka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su’aalaha Shacabka
Maqaallada

Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su’aalaha Shacabka

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 10, 2023
5 Min Read
Share

Kadib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud uu ka qeybgalay madashii furneyd ee su’aalo Dadweyne lagu weydiinayay, islamarkaana uu si saraaxad leh uga wada jawaabay weydiimihii Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyeen, ayaa waxaa ka yimid falcelin ama FEED BACK, taasi ay ka bixiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo kuwa ku nool daafaha Dunida, waxaana ka mid ahaa Dadkii falcelintaasi ku muujiyay sawir gacmeed Amiin Caamir oo ka mid bahda saxaafadda ee sawirada wax ku cabira, waxa uuna Kartoonkiisa ku cabiray Oraah ay isweydiinayaan Laba Odey oo Daawanayay Madashaasi furan, waxa uuna mid ka mid leeyahay “ Asigoo Hal sano oo kaliya jooga ayuu Warbaahinta oo dhan u fasaxay ina su;aal kasta la weydiiyo”.

Waxaa kaloo ka mid ah Dadkii ka soo falceliyaay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Musse M. Maxamuud oo ku sugan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland, waxa uuna qoray qormo dheer uu ku cabirayay sida ay ula muuqatay Madashaasi, waxa uuna ku bilaabay,  “Markii aan warbaahinta ku arkay ogeysiiska madal furan oo uu Madaxweyne Xasan sheekh uga jawaabi doono su’aalaha ay shacabku qabaan ayaan si taxadar leh ugu riyaaqay hindisahaasi, dhab ahaantii markiiba ii muuqday dhalanteed aan dhici Karin”..

Waa uu sii  wata qoraalkiisa Muwaadinkaasi waxa uuna naftiisa ku maaweeliyay sidan:-“Waxaanse mar kale naftayda u sheegay in dad la soo xulay ay dabcan imaan karaan Madaxtooyada Qaranka kaddibna ay halkaas Madaxweynaha kula jalbeebsan karaan, afkaar iyo su’aalo la sii qorsheeyayna ku weydiin karaan. Si kastaba ha ahaatee, muuqaal wax-san-arag ah ayaa ii bidhaamay waxaana igu soo butaacay dareen igu riixay in aanan ka hordhicin waxa dhici doona ee aan si dhow oo dhuun-daloolnaan lagu laray ula socdo madasha la baahiyay in ay dhacayso”.

Maxamed Cabdi waa sii hadloo waxa uu sii raaciyay “Aniga iyo asxaabtayda waxaan dubanay salool qaxwana waan karsannay, waxaana dadaal dartiis u diyaar sannay labo kambuyuutar, si haddii mid waleecaad helo aan kan kale ugu baxsanno. Aan kuu sheegee waxaanu darban nahay in aan madashan ku daawanno magaalo la yiraahdo Helsinki oo caasimad u ah dalka Findland oo dhaca woqooyiga shishe ee Yurub. Wax yar ka hor madasha ayaan ogaaday goobta Madaxweyne Xasan sheekh iyo shacabku ku doodayeen ay tahay hoteelka caanka ah ee Jazeera palace, haddii aadan aqoon hotel Jazeera aan kaadaba-geeyo, waa Hoteel ku suntan ka sokow adeeggiisa hufan, dhex-dhexaadnimo ay ku dhiiradaan joogitaankiisa iyo degitaankiisaba dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka ku kala aragtida duwan”.

Muwaadinku waxa uu leeyahay “Waxaan dhegta u raariciyay su’aalaha Madaxweynaha la weydiinayay iyo jawaabaha uu ka bixinayay madasha ayaa ahayd mid si toos ah looga baahinayay Warbaahinta Qaranka iyo tan gaarka loo leeyahayba. Su’aaluhu waxay ka tarjumayeen dareenka shacabka ee ku aadan ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda dalka, xiriirka arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya iyo su’aalo kale oo nolosha caadiga ah ee shacabka si gaar ah u taabanayay. Marka laga soo tago waaqicinnimada jawaabaha uu Madaxweynuhu bixiyay,waxaan i soo jiitay habka uu Madaxweyne Xasan ula falgeliyay dadka madasha joogay iyo sida uu u weynaynaayay muhiimadna u siinayay su’aal kasta oo la weydiiyay”.

Waxaa uu leeyahasy Muwaadinkaasi Soomaaliyeed  “weli maankayga ku sawiran sida uu su’aalaha qaar fadhiga uga kacayay marka uu ka jawaabayay Cajiib.

Marka aan isku soo duubo, aragtidaydu waa, in Madaxweyne Xasan sheekh uu dumiyay gidaarkii u dhexeeyay Madaxda dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyee,, kuwaas oo xaq u leh una qalma in ay helaan Madaxweyne u soo banbaxa, su’aalahoodana toos uga jawaabaya dareenka ay qabaanna la qaybsada”

“Mahadsanid madaxweyne” ayuu ku soo gunaanaday falcelintii uu soo Wakaaladda SONNA la wadaagay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Muuse M. Maxamuud.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Beeraha oo magacaabay hawl-wadeenno dabagal ku sameeya suuqyada soo dhoofiya cuntooyinka tayadoodu liidato

Muqdisho-(SONNA)- ah oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran oo…

October 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

(SONNA – New York) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xubin aan joogto ahayn kaga mid noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,…

Maqaallada
January 2, 2025

Qaabka loo Xakameyn karo faafinta Wararka Been Abuurka ah (WARBIXIN)

Waayahaan waxaa ku soo badanayay in Baraha Bushada lagu baahiyo Warar been abuur ah oo loo geysanayo Masuuliyiin, Aqoonyahanno, Culumaa'udiin…

GudahaMaqaalladaWararka
June 5, 2023

Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ah ee bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda…

GudahaMaqaallada
September 10, 2024

Khawaariij waxay u tahay xilli adag oo dhaqaale

Muqdisho(SONNA):-Howlgalka kooxda khawaarijta dalka looga xoreynayo waxaa qeyb ka ahaa oo uu Madaxweynaha jamhuuriyadda feferaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ku…

MaqaalladaWararka
February 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023