Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin).
MaqaalladaWararka

Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin).

By Axmed
Last updated: May 9, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Hooyo isku duubtay dhagar-qabe qarax sida oo si naf-hurnimo leh u badbaadisay askar ka tirsan ciidamada qaranka ( Warbixin).

Magaceeda saxda ma ahan, balse waxaan ugu yeereynaa Hooyo xaliimo, waxay nafteeda iyo nolosheeda u hibeysay qarankeeda ka dib markii ay isku duubtay dhagar-qabe miineysan oo doonayay inuu gurigeeda ka dhigto waddadii uu ku gaari lahaa Bar-kontarool oo amniga laga sugayay oo taalo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

” Waa ka daba tegay, ma iga hareysidoo maya markaan dhahay, markii aan afar tallaabo isla qaadnay oo ilmihiina ay soo carareen ayuu Bambadii la soo baxay, ka dibna igu soo tuuray,”.

Iyadoo hubeysneyn, ogna nolosheeda in ay ku waayi karto ayay si geesinimo leh ugu bareertay in ay ka hortagto dhagar-qabe Khawaarijta ka tirsan, kaas oo ku hubeysnaa Bastoolad iyo Bambooyin uuna qarxin doono haddii aysan sii deyn. Waxay la galgalataba wuxuu goostay inuu xabad isaga reebo,maaddaama ay hooyadani diiday in dhagar-qabuhu dhibaateeyo ciidamo heegan ugu jira sugida amniga, ilaa uu toogtay mid ka mid ah gabdhaheeda, iyadana uu gacanta ka dhaawacay.

” Markaan ku tagay. Gabadhan hadda marxuumadda iga geeriyooneysa ayuu isoo dulmaray, markaas ayaan qeyliyay, gabadhii Bastoolada ayuu ku aamusiyay,wey dhacday,” ayay tiri Hooyo Xaliimo.

Wuxuu Bamb gacmeed hubiyay qoyska Hooyadan oo dhammaan si geesinimo u soo wajahay, markii ay maqleen sawaxanka iyo rasaasta.

” Inaan aamuso waa diiday, saddex xabo oo rasaas ah ayaa ka baxday gacanteyda, kama harin waana sii ceyrsaday anigoo dhiig-baxayo, ilmihiina waa igu soo yaaceen iyo wadaadkii aniga i qabay,”.

Aabe Asad Cabdullaahi, wuxuu weerarkan bahalnimada ah ku waayay gabadhiisa, halka xaasikiisa iyo carruurtiisa kale ay dhaawac la jiifaan cisbitaalka.

” Xabadihii uu nagu soo tuuray ayuu dhaawacaas naga soo gaaray, Shan carruur ayaa dhaawac naga ah, hal gabarna waa nooga dhimatay, aniga iyo xaaskiina dhaawac ayaa nahay oo waa ka jiifnaa,” ayuu yiri Aabe Asad Cabdullaahi oo dhibane u ah dhagarta Khawaarij.

In Hooyo Xaliimo ay ku dhiiratay go’aankan geesnimada leh ayaa muujinaya in ay soo dhammaatay cabsidii laga qabay Khawaarijta, kuwaas oo si ba’an loogu gumaaday howlgalka xoreynta ee ka socda gobollada dalka.

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), ayaa kafaalla qaadday caafimaadka hooyadaan geesiyadda ah, seygeeda iyo carruurteeda, waxayna Dowladda si dhow ula socotaa xaaladdooda.

” Garan-waa iska ilaaliya,” tani waxay ka dhigab tahay in ay shacabka Soomaaliyeed u hoggaansameen baaqii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la soo sheego ama laga hortago Garan-waaga Khawaarijta ee ku ku dhex dhuumanaya bulshada Soomaaliyeed.

” Ninka aadan aqoonin, inaad tiraahdo adigu yaad ahayd, ama haddaadan dhaheyn xitaa aad soo sheegto, ee aad tiraahdo nimaan garaneyn ayaa meeshan joogo oo la weydiiyo la yiraahdo, kumaa ahayd, intee naga soo booqtay?, wax ku Jaban ma jiraan, deris xumeyn ma ahan, maxaa la yiraah garan-waa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kooxda Horseed oo kala dhantaashay Naadiga Raadsan kulankii galabta ka dhacay garoonka Ex-Koonis

Muqdisho(SONNA)-Kooxda kubadda cagta Horseed FC ayaa galabta guul muhiim ah ka gaartay naadiga Raadsan kaddib markii 4-2 ay ugu adkaatay…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaatan dowlad dhiska Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada…

GudahaWararka
June 3, 2023

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka Waddo-Marista

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha DDowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshebeeelle. Shirka Golaha Wasiirada ayaa…

Wararka
June 25, 2023

ICRC: Xaalad quus ah ayaa ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

Geneva-(SONNA)-Hayโ€™adda laanqayrta cas ee Caalamiga ah ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la bixiyo dadaal dheeri ah si loo…

CaalamkaWararka
April 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023