Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u qaabbilsan dalkeenna Danjire Dr. Mohamad Hery Saripudin.
Mabada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dhinacyada Diblumaasiyadda, ganacsiga, waxbarashada iyo Amniga.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara ganacastada labada dal, fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal iyo in ay labada dhinac iska taageeraan golayaasha caalamiga ah, maadaama ay Soomaaliya dedaal ugu jirto ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka iyo qaadista cunaqabataynta hubka ee daba dheeraatay.
Indonesia ayaa ka mid ah dalalka xagga warshadaha horumarka ka sameeyay, halka dalkeenuna uu ku yaallo goob Istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga Qaaradda Afrika iyo dunida guud ahaan.