Ciidamada Israa’iil ayaa weerar xagga cirka ah oo ay ka fuliyeen xerada qaxootiga Rafah ee koonfurta Marinka Gaza ku dilay 13 qof oo ay ku jireen haweeneey iyo 4 caruur ah.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Israa’iil ay burburiyeen guryo ay deganaayeen dad rayid ah,halkaasina ay ka geysteen dhimasho gaareysa 13 iyo dhaawacyo labaatameeyo ah.
Israa’iil ayaa ku andacootay in ay duqeyeen bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Jihaadul Islaami ee Falastiin.
Dhaqdhaqaaqa Jihaadul Islaami ee Falastiin ayaa ku dhawaaqay in saddex ka mid ah hogaamiyaasheeda lagu dilay weerarada cirka,kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Jihad al-Ghannam, Khalil al-Bahtini, iyo Tariq Izz al-Deen.
Milateriga Israa’iil ayaa kula taliyay dadka Israa’iil ee deggan deegaanada ku dhow Qaza inay u dhowaadaan goobaha amniga ah ee loo qorsheeyay in looga badbaado gantaalada Falastiin.
Toddobaadkii hore, Israa’iil waxay gantaallada ku garaaceen marinka Gaza ,iyagoo ka jawaabaya sida la sheegay gantaallo kayimid dhanka Falastiin oo loogu aargudayo Khader Adnan.