Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Xaaji Aadan ayaa maanta ayaa Hey’adda WHO kala wareegay Shan Gaari oo ah nooca loo yaqaano Hardtop-ka.
Munaasabadda gawaarida lagula kala wareegayey waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs Maryama Maxamed Xuseen, qaar ka m,id ah agaasime waaxeedyada iyo Magadaxda Hey’adda WHO ee Gobolka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareejintya deeqda ka hor la qaatey kulan wafdiga ka socdey Hey’adda WHO, wafdiga ayaa ka warbixiyey howlahooda Soomaaliya iyo qorshahooda hortabinta u le qeybta Caafimaadka Soomaaliya.
Gawaaridan ayaa qeyb ka ah qorshaha WHO ay kaga qeyb qaadanayso horumarinta Caafimaadka Soomaaliya, waxaana ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadkaniyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Fedraalka Sooomaaliya Dr Ali Haji Aden.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyey deeqda Gawaarida ah kuwaa oo la filayo in ay wax badan ka caawin doonaan qeybaha loo qorsheynayo in loogu adeego.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda