Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay sedax Horjooge oo ka tirsan Khawaariijta.
Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey ciidanku ku raad-joogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur.
Howlgalka oo laga fuliyay Deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey ayaa lagu soo qabtay Shire Cabdi Maxamed,Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow kuwaas oo lacago baad ah Khawaariijta uga qaadayay gaadiidka safarka ah inta mudo ahna ka tirsanaa.
Faah faahin dheeraad ah la soco.