Sacuudi Carabiya ayaa martigelinaya wadahadaldii ugu horreeyay ee fool ka fool ah oo u dhexeeya dhiancyada ciidammada ku dagaallamaya Suudaan, ka dib markii ay burbureen dhowr heshiis oo xabad joojin ah.
War qoraal ah oo ay si wadajir ah ay u soo saareen Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa lagu soo dhaweeyay billowga wadahadallada horudhaca ah ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Magaaladfa Jeddah ,kaas oo u ย dhexmari doona ciidamada Suudaan iyo xoogagga RSFee gurmadka degdegga ah.
Warsaxaafadeedka Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay ku boorinayaan labada dhinac in ay tixgeliyaan maslaxada dalka, oo ay ka qeyb qaataan wada-hadallada lagu joojinayo colaadda, laguna soo afjarayo colaadda, taasoo shacabka Suudaan ka badbaadi doonta dhibaatada ,isla markaana suurtagalin doonta in la hubiyo helitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee meelaha ay dhibaatadu saameysey”.
Ciidanku waxay xaqiijiyeen inay ergo u dirtay Jeddah si ay uga qeybgalaan wada-hadalladaan oo ay dabada ka riixayaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka,si wax looga qabto xaalad bini’aadantinimo ee ka taagan Suudaan.
Ma jiro wax war aj oo ka sooo yeeray ciidanka RSF ee la dagaalamaya kuwa dowladda Suudaan.
Ku dhawaad โโsaddex toddobaad oo dagaallo culus ay socdeen ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad โโ450,000 oo rayid ah,iyadoo 115,000 oo kamid ah dadka barakacay ay magangelyo u tageen dalalka deriska ah.
.